Siigada goormee la ogol yahay rag iyo dumarba

Goorta ay siigada bannaan tahay waa xiligee, siigada ama seegada qofba siduu u garanayo culimada muslimiinta way isku khilaafeen inay xalaal tahay ama xaaraan ay tahay, laakin culimada badankooda waxay u arkeen inay xaaraan tahay, sidaa awgeed mad’habka shaafici wuxuu u arkay inay siigada xaaraam tahay taasna ayay soomaalidu raaceen, laakin iyadoo sidaas ay tahay ayaa haddana culimada diidan seegada guud ahaan banneeyay inay xalaal noqonayso mararka qaar kooda tolow

goorma ayay siigada xaalaal tahay?


culimada siigada banneeyay waxay shardi ka dhigeen siigada marka ay noqonayso mid bannaan in ninka uu kacsi daran u yimaado oo guskiisa dami waayo, marka sidaas iyadoo ah ay naag agtiisa u soo dhowaato oo ay suurta gal tahay inuu ku dhaco ama galmo sino ah la sameeyo, culimada waxay dhaheen xiligan siigada qofka wuu samayn karaa, waayo wuxuu ka badbaadayaa dembi weyn oo ah sino, wuxuu samaynayaa dambi yar oo seego ah, xaaladdaan culimada oo dhan way isku waafaqsan tihiin.

xalaadda labaad siigada la fasaxayo waa tee?


xaaladdan waxay ku xiran tahay caafimaadka ninkii shahwada ay jirkiisa ku badto oo guur aan awoodin oo biyaha badnaantooda dartooda xiniinyaha ay la xunuunaan ama bararaan taas waxay keeni kartaa xanuun badan oo qofka haddii biyaha uuna iska bixinin ay u keeni karto xanuun aad u daran, marka uu siigayso waxaa ka fududaanaya biyahaas waxaa laga yaabaa inuu ka badbaado dhibkaas oo u imaan karo, culimada xaaladdaas way isku waafaqsan yihiin.

Naagta ninkeeda ka maqan yahay oo sino ka baqdo?


haddii naagta ninkeeda ka maqan yahay oo ay ka baqdo inay sinaysato iyadana waxay ka hadleen culimada xanbaliyada inay biyaha isaga keeni karto gacanteeda iwm.

xitaa waxay sheegeen waxyaalo la mid ah geedka ninka inay galin karto alaabteeda taasna waxay ku soo aroortay kutubta culimada mad’habka xambaliga, si ay isaga fududayso shahwadeeda daran oo ku rida karta sinada, shaydaanka dadka wuxuu ka soo galaa shahwada qofka marka uu kacsi dareemo aad buu u daciifaa.

taas oo dhan waxaa ka fiican qofka inuu iska ilaaliyo wixii kacsi u keeni kara, waa inuu ka fogaadaa filimada qaaqaawan ama sex ah oo dareenka kiciya.
halkaan : http://www.maamul.com/raaxada-guurka/goorta-ay-siigadu-bannaan-tahay-waa-xiligee.htm
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post