Sinada ugu dembiga weyn waa tee , Sinada
waxay ka mid tahay dembiyada ugu waaweyn oo diinta islaamka iyo
diimihii ka horreeyay ay si toos u xarrimeen, diinta islaamka waa diinta
lagu khatimay diimaha hore, sinada waa xaaran oo go’an oon shaki ku
jirin, sinada waa in la galiyo geedka ninka madaxiisa farji dumar, marka
sidaas dhacdo waa zino rasmi ah, haddii arrin sidaas aan ahayn ninka
iyo naagta dhexmaraan waa dembi laakin sinada oo kabiirada ma aha, sida
qofka haddii ay naagta geedkiisa gacanta ku qabato ama haddii uu
cajiraha geedka ugu rugo ama barida ama caloosha ama kilkilaha.
Sinada miayay kala daran tahay dembi ahaan?
jawaabta waa ah, sinada ugu daran waa
midda qaraabada sida hooyada ama habaryarta ama eedada ama walaasha ,
sinada noocan ah kama dhacdo bulshada soomaaliya, laakin bulshada qaar
ayay ka dhacdaa, waxay ka mid tahay sinada midda ugu dambiga daran, nin
hooyadii fuulaya waa falka ugu dambiga weyn sina ahaan, qofka na\oocaas
sameeya waa lagu xukumaa dil xitaa haddii uuna guursanin, waayo wuxuu
fasahaadianayaa koonka wuxuu ku soo laabtay familka taas oo keenaysa
inuu wax badan sharaf ah burburiyo.
Galmada dersika xaaskiisa miyay dembigeeda sinada ka weyn tahay?
xadiis ayaa wuxuu tilmaamay inay tahay
sinada ugu daran dembi ahaan ruuxa inuu la sinaysto xaaska deriskiisa ,
waayo deriska wuxuu shabahaa qaraabada sidaa awgeed waa in la dhowraa
xurmadooda, waa inaan lagu xadgudbin gabdhaooda dadkooda, sidoo kale
deriska way fududhay qofka inuu ku dhaco, marka waxaa la xirayaa waddada
keeni lahayn xumaantaas.
Ciqaabta lagala kulmo zinada guud ahaan?
Sinada waxay ka mid tahay dambiyada
waaweyn saan horay u soo sheegnay, waxaa lagala kulmayaa naarta Alle,
qofka sina ku dhaco waxaa laga rabaa inuu towbad rasmi ah keeno oo dhab
ah, waa inuusan u laabanin sinada mar labaad.
Sidee looga fogaan karaa sinada?
Wax kasta marka laga fogaado wadada loo
marayo waa laga fogaan karaa, Quraanka xitaa markuu sinada reebayay
waxaa ku soo aroortay ” Sinada ha u dhowaanina” waxaa laga wadaa wax
kastoo keeni kara sino, sida gabar inaad la saaxiibto inaad meel khalwo
la gasho inaad, sawirada qaawan inaad fiirsato filimada wasmada qofka
inuu daawado, waxaas oo dhan xumaanta zinada ayay kugu ridayaan.
sidoo kale sinada naagta la qabo ay samayso oo lagu magacaabo gogoldhaaf waa qaab aad u foolxun dembiga sinada ugu weyn.
gogoldhaafka waxaa inta badan keena naagta oo ninka aan jeclayn oo nin kale jecel
ilaahay haaga dhowro
ReplyDelete