Farxadda ciidda ubadka maxay ku samaysaa

Faxadda ciidda ubadaka maxay ku samaysaa
Farxad ayay leedahay ciidda gaar ahaan ubadka marka waxaa lagaaga baahan yahay inaad ubadkaaga sida la rabay uga farxisid, haddii aad awoodo sidoo kale qaraabada deriska gaar ahaan ilmaha agoomada, khayrka waa la badsadaa maalmaha farxadda leh, qofka cid muslin ah farxad geliya abaal weyn ayuu leeyahay, marka waxaa kaloo habboon maalmaha ciidda cunta fiican inaad caruurtaada u samayso dhar fiican aad u soo iibiso iyo waxyaabo ay ku cayaaraan, dhar ciid waa waxa cunugga dareensiinaya qiimaha munaasabada ciidda ay leedahay, anaga waxaanuu leenahay labo ciid midda koowaada waa ciidda fidriga ama ciidda soonfur, midda labaadna waa ciidda adxa.
farxadda ciidda ilmaha kalsooni ayay siisaa iyo firficooni xagga bulshada iyo jacaylka waalidka taas waxaa ka imaanaysaa baarri inuu noqdo, waxay qalbigooda ka siibtaa cuqdada iyo nacaybka.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post