Rag
badan waxay u haystaan jecaylka marka la shukaansanayo gabadha in lagu
soo xiragaliyo waxaad arkaysaa marka ay shukaansanayaa hadalo waxay
daldalaan abaayo macaan waan ku jeclahay abaayo naftayda ayaad la mid
tahay, laakin marka la isguursado xaaska waa lagala xishoonayaa hadalka
noocaas ah, waxaa laga yaabaa ninka marka uu naagta guursado oo guurka
ka soo wareegato bil iwm, ninkii ayaad arkaysaa naago kale shabinaya oo
hadalo macaan kula hadlaya, marka gurigiisa uu soo galo wuxuu noqonayaa
nin xanaaq badan ma arki karo wax yaalla gurigiisa, tolow maxaa is
baddalay oo arrinkan keenay, taas maxaa la dhihi karaa ninkan jacaylka
waxba kama yaqaano, runtii jacaylka dhabta ah wuxuu imaanayaa marka lays
guursado oo ninka iyo naagta ay raaxo dhab ah isla galaan galmo macaan
badan sameeyaan, jacaylka galmada wuu ku siyaadaa ee kuma nusqaamoi,
waxaa la rabay marka guriga laysla soo galo jacayl daran inuu abuurmo oo
ka xoog badan midkii marka lays shukaansanayay jiray, waayo kaas ninka
iyo naagta isuma bannaanayn, ma raaxaysan karaan, waayo guur ma dhicin,
jacayla xaqiiqada ah wuxuu kordhaa marka ninka uu naagta guursado oo hal
meel ay ka soo wada toosaan, oo uu macaankeeda dhedhemyo oo uu la
galmooda quruxdeeda gudaha arko .
marka
laga hadlayo macaanka raaxada waxaa habboon inay jacayl wadato ragga
badankooda waxay sheegaan inay ka caajisaan dumarka marka ay ilmo
dhalaan, waxay ku leeyihiin xaaskayga waa iga mashquushay marka aan
raaxo u baahanahay waxay lugta kula jirtaa howl isma nadiifiso waxay
wadataa diraca maanta oo dhan ay jikada kula jirtay, waxaa laga yaabaa
inuu jirkeeda ka soo shiiro hilib iyo basal marka naag sidaas ah miyaa
raaxada ii keeni karta, marka ay gabadha ahayd oo aan shukaansan jiray
waxay soo qaadan jirtay dhar qurux badan, taas ayay igu soo jiidan
kartay, hadalkan ay ragga qaar sheegayaan waxbaa ka jira dumarka waxaa
lagaga baahan yahay inay si fiican ugu dadaal nadaafadda iyo raaxada.