Riyada anoo dad lacag doolar u qeybinayo

Riyada:

Allah mahadleh
Waad mahadsan tihiin webka daruur
Allah macak

Waxan ku riyooday anoo u qaybinaya dad masaakiina lacag badan oo dollar ah
Ayaan waxaan qaar siiyay lacag dollar oo fara badan oon aanan tiradeeda garanayn oo aan soo cantoobay
Walalkayga oo dhintay ayaa igu lahaa dadkani aad lacagta intaa le'eg siinaysaa waa dad cadaw kugu ah oo xumaantada ka shaqeeya
Waxaan ku idhi waan ogahay lkn ilaahay dartii ban usiiyee waxba kama rabo iyaga
Waxuu igu yidhi waxba kaa qaadi mayaan ilaahay dartii hadaad u siisay
Allah mahadleh
Riyada anoo dad lacag doolar u qeybinayo


Fasirka:

Riyada waxay tilmaamaysaa in Alle deeq badan ku siin doono heer aad gaarto inaad dadka wax ka siiso xataa dadka cadow kugu ah, teeda kale riyada waxaa laga fahmayaa in aad daacad tahay oo Alle ku waafajin doono iklaas dar Alle inaad wax u qabato waa riyo guud ahaan tilmaamayso camal suuban iyo wanaag iyo samafal.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post