Wiil ayay uur u saarin rabtay iyadoo nin kale uurka iska leeyahay

 Waa qiso dhab ah oo ka dhacday magaalada qaahira dalka Masar.

Haweeney soomaali ah ayaa ku noolayd xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Qaahira oo la dhaho:  Ardulliwa

Wiil ayay uur u saarin rabtay iyadoo nin kale uurka iska leeyahay

Ninkeeda wuxuu joogay dalka Yaman iyadana Qaahira ayay ku noolayd, waxay ku qornayd UN-ka.

Guriga waxaa kula noolaa carruurteeda iyo gabar ilmaha eeddo u ah oo la dhalatay ninkeeda.

Waxaa jiray wiil soomaaliyeed macallin ka ahaa guriga ilmaha ayuu af ingiriis bari jiray.

Wiilka wuxuu jiray labaatan sano ku dhowaad, iyadana waxay jirtay soddon iyo lix sano oo kale.

Waxay ka fikirtay wiilkan inay arrin qoorta u galiso, waayo iyada waxay la tuman jirtay nin kale, marka wiilkan uur ayay u saarin rabtay.

uurkaasna waxaa u yeelay ninka saaxiibkeeda oo ay la tuman jirtay.

Markay ogaatay ninkeeda inuu qaahira usoo socdo, waxay rabtay sheekada uurka inay ku qariso khiyaanadeeda, hadduu qorshaha socdo.

Habeen habeennada ka mid ah wiilka ayay taleefan u dirtay waxay ka dalbatay inuu guriga yimaado, waxay u sheegtay inay arrin daruuri uga baahan tahay.

Wiilkii wuu soo baxay, guriga ayuu yimid isagoo aan ogeyn dhagarta naagtan ay u maleegi rabto.

Wiilka caadi ahaan ilmaha wuxuu u casharka u dhigi jiray galbihii ee habeen ma uusan wax u dhigi jirin.

Naagtii wiilka waxay ka dalbatay inuu u buuxiyo foom UN-ka kusaabsan, wiilka wuxuu aad garanayay afka ingiriiska.

Fursaddaas ayay kaga faa'idaysan rabtay qorshaheeda.

Wiilkii foomkii ayuu bilaabay inuu buubuuxiyo.

Saacadda way sii socotaa.

Marka la gaaray habeen barkii ayay ku tiri hadda ma bixi kartidee, ee caawa halkan iska seexo.

Waxay u keentay qolka fadhiga joodari iyo macwis.

Wiilkii wuu ka oggolaaday, inuu seexdo.

Casho ayay u keentay dharkii ayuu iska baddalay, macwistii ayuu xirtay, joodarigii ayuu dhigtay wuxuu isku diyaariyay hurdo.

Markuu cabbaar jiifay asoon wali hurdo fiican galin ayay u timid iyadoo wadatto dirac khafiif ah, hoosna wax kama wadato xattaa kastuumo ma wadato!!

Wiilkii aad buu uga naxay, tolow naagtan ma waalaan tahay !!! 

Waxay iska dhigtay inay arrin daruuri ah weyddiinayso, waxay soo fariisatay joodariga.

Ilmaheeda way jiifaan sidoo kale eeddada ilmaha iyadana qolkeeda ayay jiiftaa.

Waa waqti dambe.

Qolka fadhiga wuxuu ka fog yahay qolalka jiifka iyo jikada iyo musqusha.

Naagtan ujeeddo ayay usoo laabatay waxay rabtaa inay si aan la fahmi karin u fuliso.

Wiilka doob ayuu iska ahaa, dareenkiisa ayaa kacay markuu arkay naagtan oo dhar khafiif ah wadato.

Markuu la hadlayo wuxuu toos ugu jeedaa naasaha ibtooda oo diraca ka muuqda !!

Gacanta waxay ku haysaa foomka uu buubuuxiyay.

Intay aad ugu soo dhowaatay ayay tiri waxaan rabaa inaan isla fiirino si aan u hubsano inuu sax yahay wax walbo ku qoran.

Wiilkii wuxuu bilaabay inuu dib u fiiriyo foomka, iyadana waxay isku dayaysaa inay usii dhowaato.

ugu dambeyn jirkooda ayaa is gaaray wiilkii dareenkiisa ayaa sii kacay iyadana way dareentay inuu kacay.

Waa wixii ay rabtay !

Waxayba aragtay wajigiisa oo cabsi iyo yaxyax ay ka muuqdaan.

waayo neeftuur ayuu bilaabay wadnihiisana boodbood ayay bilaabeen.

iyadana waxay bilowday inay jirkeeda jirkiisa ku dhejiso si uu usii kaco.

Wiilkii intuu is reebi waayay ayuu garabka ka qabtay.

taabashadaas kaliya ayay sugaysay.

Iyadana jirkiisa ayay qabatay.

Gaar ahaan geedkiisa oo taagan macwista soo riixayo.

iyadoo ka dhigaysa kaftan iyo fara kacayaar.

Wiilkii ha ku boodo iyadana way ku dhegtay illeen ujeeddadeeda sidaas ayay ahayd.

wilkii galmo ha ku bilaabo. 

Dumarka la qabo ayaa ugu dhiirran marka galmo la samaynayo.

gabar hadday ahaan lahayd sidaas ma samayn kari lahayn.

wiil labaatan jir ah oo doob ah maxaa u malaynaysaa markuu xaaladdan la kulmo.

Waxaa la sheegay wiilka inuu dhowr biyaajo sameeyay !!

Marka sheekada ay dhammaatay.

Qorshaha ayay dhammaystiri rabtaa.

Waxay ku tiri: orod musqusha aad soo qubeyso intaan lasoo wada kicin.

Markuu musqusha qubeys u aaday ayay albaabka musqusha ag istaagtay waxay tiri: waad i xoogtay booliis ayaan wacaa.

Wiilkii wuu naxay, naagtii raaxada soo doonatay isla markii leh waad i xoogtay !! waa arrin lala yaabo !!

Wiilkii wuxuu yiri  haddaad albaabka iga furi weyso  waxaan iska tuuraa daaqadda musqusha.

intay baqday ayay albaabka ka furtay waxay ku tiri aabbahaaga ayaan gaarsiinayaa.

Wiilka wuxuu leeyahay: aniga miyaa ku kufsaday mise adaa raalli ka ahaa waxa aan samaynay ? !!!

Waxay iska dhigtay naag xanaaqsan oo ka xun wixii dhacay !

Waxay taleefan u dirtay wiilka aabbihiisa waxay ku tiri isoo gaar wiilkaaga ayaa i xoogay !!.

aabbihii asoo ordayo ayuu yimid guriga, waa waqtiga fajarka soo dhawaaday.

Naagtii waxay leedahay aniga booliska ayaan u sheegaa lagama yaabo inaan ka aammuso arrintan.

aabbihii wuxuu leeyahay. arrintan aan halkan kusoo xirno wixii xaal ah anaa bixinayo.

islaantii wax walbo wey diidday, illeen waxay rabtaa in la aamino kufsiga inuu dhacay, kaddib uurkeedii aan lala ogeyn in wiilka loo tiiriyo.

Booliskii ayay wacday iyadoo diiddan baryada aabbaha wiilka.

Waxaa yimid booliskii waxaa la qabtay wiilka iyo iyada si baaritaan loo sameeyo.

Marka ugu horreyso su'aalaha la weyddiiyay waxaa ugu muhiimsanaa:

Guriga yaa ka furay ninkan?

Markuu guriga soo galay oo uu rabay inuu ku kufsado maxaad u qaylin waysay?

Shaatigiisa ma jeexna !! taas sidey ku dhacday hadduu ku kufsan rabay?

Jirkiisa dhaawac ma laha, naagaha marka la kufsan rabo way dagaallamaan dhaawac ayay geystaan?

Qayladaada maxaa loo maqli waayay?

Kaddib waxaa la waraystay eeddada guriga ku noolayd oo ninkeeda la dhalatay.

Waxay tiri aniga wax qaylo ah ma maqlin !!

Marka meesha waxaa ka caddaatay inuusan wax kufsi dhicin.

Booliska waxay u direen in la baaro naagta, markii la baaray waxaa lagu arkay uur labo bilood oo kale ah.

Waxay ogaadeen wiilka inuusan kufsanin oo iyada ay ka dalbatay falkaas.

Waxayna rabtay in ay ku qariso uurkaas.

Waxaa lagu soo qoray sheekadan wargeysyada waqtigaas soo baxay.

Dadka Soomaalida qaahira ku noolaa oo dhan ayaa sheekada ogaaday.

labaatan sano kahor ayay dhacday sheekada.

Waa arrin lala yaabo Wiil ilmaheeda macallin u ahaa ayay tiri wuu i xoogay iyadoo ku qarin rabtay uur uu u yeelay nin saaxiibkeeda ah.

Naagaha qaar waa shayddaan bal eeg sida ay u fikirtay.

Maxaad is leedahay ?

Ma naagtaa qaldan mise ninkan mise ninkeeda?

Dumarka in laga dhoofo sabab miyay u noqon kartaa xumaanta ay ku dhacday naagtan ?

Kusoo qor wixii aragti aad ka qabto dhacdadan.

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post