Sheeko halista shukaansiga qaldan gabar jacayl been lagu abuuray oo mustaqbalka laga burburiyay

 Sheeko wiil gabar daacad ah oo jacayl been ah mustaqbalka kaga lumiyay halista shukaansiga beenta

Waa sheeko yaab lagu cibraqaadan karo oo tilmaamayso ragga qaar inay wuxuush yihiin oo dugaagta ay ka liitaan. gaar ahaan dhanka dumarka masaakiinta ah markay fursad ku helaan.

Sheeko halista shukaansiga qaldan gabar jacayl been lagu abuuray oo mustaqbalka laga burburiyay

Sheekada waa sidatan, wiil lacag lahaa oo ganacsate ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah bartiisa ganacsiga ku bartay gabar lagu magacaabo Dahabo Xaashi.

Wiilka waxaa la dhahaa Nuur Muudeey.

Dahabo markuu arkay aad buu uga helay. Waayo Dahabo waxay ahayd gabar qurux badan oo joog leh oo aqoon leh jaamacad kasoo qalinjabisay.

Nuur Muudeey marka Dahabo bartiisa ganacsiga ay soo gashay si fiican ayuu usoo dhoweeyay wuuna la kaftamay marka ugu horreysa wuxuu u sheegay inuu ku faraxsan yahay barashadeeda.

Dahabo iyadana sidoo kale waxay tiri barsho wanaagsan,

Wuxuu weyddiiyay taleefankeeda. Isla markii way siisay.

Dahabo waxay ahayd gabar furfuran oo jecel inay dadka barato.

Labo maalmood kaddib Nuur ayaa Dahabo taleefan usoo diray.

Wuu salaamay. Wuxuu ku yiri: ku aaway waaba lagu waayee !!

Waxay tiri waa kuu joogaa halkeen aadi lahaa?

Wuxuu ku yiri: ka warran haddaan kulanno oo aan wada sheekaysano ?

Waxay tiri Dahabo waxba kama qabo.

Wuxuu yiri: caawa ka waran haddaan tagno makhaayad.

Waxay tiri waxba kama qabo.

Habeenkii markii la gaaray Nuur iyo Dahabo waxay ku kulmeen Makhaayad weyn oo laga cuno digaagga.

Wuxuu dalbay casho kalakacsan oo macaan badan.

Way wada casheeyeen wayna sheekaysteen.

Sheekadooda meel fog ayay gaartay.

Habeenkii meesha ayay kusoo kala tageen.

Nuur wuxuu qorsheeyay Dahabo inuu jacayl usoo bandhigo.

Taleefan ayuu u diray habeenka ku xigtay wuxuu ku yiri caawo waan seexan waayay.

Adigaa I hortaagan Dahabooy.

Dahabo markay maqashay hadalkaas wuxuu ka galay qalbiga.

Way ku faraxday hadalka. habeenkaas laga bilaabo Dahabo jacayl ayaa galay.

Laakin Nuur jacaylka daacad kama ahayn. Kaliya wuxuu rabay Dahabo inuu kusoo xiragaliyo.

Dumarka hadalka macaan way u nugul yihiin. Markay maqalaan hadal amaan ama romaantik aad bay u farxaan.

Dahabo habeenkaas kaddib waxay dareentay inay tahay gabar la qiimeeyo oo la daneeyo.

Nuur wuxuu usoo bandhigay inay xiriirkooda xoojiyaan oo ay noqdaan kuwo aad isku jecel.

Wuxuu bilaabay inuu habeen kaste u wado casho ama meel madadaalo loo aado.

Dahabo runtii aad bay ugu taraxtagtay.

Nuur markuu ogaaday Dahabo qalbigeeda inuu hantay ayuu bilaabay inuu sida alaab oo kale ugu baashaalo.

Mar kaste wuxuu ula dhaqmi jiray si naag isaga shaqaale u ah oo kale.

Markuu dantiisa ka gaaray wuu is baddalay.

Wuxuu bilaabay inuusan taleefanka ka qabanin. Hadduu  ka qabtana inuusan qiimeynin. Hadalo kajin ah inuu ku dhaho.

Jees jees ayuu ku bilaabay.

Habeen ayay wacday taleefanka ayuu ka qabtay muddo asoo aan ka qabanynin.

Waxay tiri: nuurow adiga waad is baddashay maxaa kugu dhacay.

Hadal aysan ka filanaynin ayay ka maqashay.

Wuxuu yiri: ninka timaha markay ku bataan wuu iska jaraa sow ma aha ?

Waxay ku tiri ma aanan ku fahmin maxaad ka waddaa?

Wuxuu ku yiri: waad iga badbadatay !!

Sidaas ayaan kuu jaray, abbaayo kasoo qaad inaynaan is baranin waligeena. Ka gudub !!

Taleefanka ayay dhigtay aadna way uga xumaatay hadalka ay Nuur ka maqashay.

Isma dhahaynin sidaas ayuu kuu galaa.

Nafteeda ayay dib ugu laabatay. Waxay ogaatay waxyaalo badan inay khasaartay.

Marka ugu horraysa gabarnimadeeda iyo sharafteeda inay khasaartay.

Waayo aad bay u aamintay markuu ku yiri: waan ku jeclahay.

Laakin jacayl ma ahayn ee qofkan wuxuu watay ujeeddo gaar ah. Wuxuuna rabay inuu fuliyo wuuna fuliyay.

Waxay ogaatay in mustaqbalkeeda mugdi galay. Waayo ninka ay moodday inuu jeclaa been ayuu iyada ku  waday. kaliya wuxuu rabay inuu xumeeyo.

Cuqdad ayay u qaadday ragga oo dhan, waxay noqotay naag ciil iyo cabaad ku nool.

Dahabo waxay ahayd gabar bashaash ah oo furfuran oo dadka jecel laakin Nuur kaddib waxay noqotay naag ciil hayo oo aan ragga u naxariisanin.

Waxay ogaatay shukaansiga beenta ah inuu dumarka god ku rido.

Nimanka iska dhigo kuwa daacadka ah inay tuugo yihiin. sharafta dumarka inay ku cayaaraan iyagoo adeegsanayo magac jacayl.

Waxay ogaatay naagta inay hilib tahay raggana ay yihiin dugaag duurka ku nool hadday arkaan ay ku xadgudbaan.

Dahabo waxay ogaatay nimanka lacagta leh haddaysan diin lahayn inay lacagtooda ku dulleystaan dumarka masaakinta ah oo daacadka ah.

Waxay uga digtay gabdhaha hadda soo baxaya inay iska ilaaliyaan ragga noocaas ah.

Hadduu dhaqsi kugu soo bandhigo inuu ku jecel yahay kirr ku dheh !! ayay tiri.

Waayo hadalkaas ayuu kugu soo xeragalin rabaa.

Ninka dhabta kuu jecel wuxuu kuu ilaalinayaa sida gabar walaashiis oo kale.

Sharaftaada ayuu ilaalinayaa kuma damcayo. Hlib kuuma arkayo.

Marka uu mustaqbal kaa rabana waalidkaaga iyo ehelkaaga ayuu usoo bandhigayaa.

Runtii astaamaha lagu garto ninka fiican waa sidaas.

Hadal been ah wuu iska ilaalinayaa, wuxuu mar walba isku dayaa inuu ku xushmeeyo.

Laakin naagaha badankooda dantooda ma garanayaan sidayda oo kale.

Gabar saaxiibo aan nahay dhowr jeer ayay iiga digtay  xiriirka Nuur.

Marka aan nuur bartay oo aan isku cusbeyn  waxay igu tiri naayaa ragga lama aamino ee iska jir ninkan.

Waxaan ku iri nuur waa nin daacad ah ee u maleyn maayo inuu been ii sheegayo.

Hadda waxaan ka shallaynayaa hadalkeeda maxaan u maqli waayay !!

Waliba shallaayga wuxuu daran yahay marka aad naftaada u dhiibto oo kaa samaysto waxa uu rabo markaas ayuuba kusii nacaa.

Naagta marka ay ninka iska ilaalinayso oo ay adag tahay wuu tixgaliyaa. Laakin markay wax kaste u oggolaato wuuba sii nacaa.

Gabdhaha waxaan kula talinayaa inay ka fogaadaan ragga nuur oo kale ah. Kuwaasna aad bay u badan yihiin.

Ragga daneysteyaasha oo dumarka daacad aan u noqon.

Ragga dumarka dulleysta oo diin laaweyaasha ah.

Doqon ha noqon daacadnimada darbiga ku tuur ee daneystaha yuusan kaa dan gaarin.

Tan igu dhacday ku cibraqaado nin dukaan joogo yuusan ku sirin.

Ama nin qurbaha ka yimid oo labo habeen casho kaa bixiyay.

Ama lacag kuusoo tuuray oo ku yiri gaari kusoo raac.

Waxaas yaysan ku sirin.

Khasaarada kugu dhici doonto waxaad ogaanaysaa marka uu dantiisa kaa gaaro.

Oo uu kuula dhaqmo sida darbijiif oo kale.

Marka uu ogaado inuu kaa helay wixii uu  raadinayay.

Haddaba caqligaaga fuull ha ahaado.

Yaan been laguu sheegin.

Waliba waxay aad u gaadaan gabdhaha aan lasoo guursanin. Kama helaan garoobada.

Waayo naagta garoobta way ka feejigan tahay nimanka.

Qibro ayay u leedahay ragga.

Sidaa awgeed kuma degdegaan.

Laakin gabar wali aan lasoo guursanin ayay gaadaan si ay been ugu  akhriyaan. Oo jacayl been ugu abuuraan.



Post a Comment (0)
Previous Post Next Post