Sheeko nin reer qurba ah ayaa guursaday laakin saaxiibkiisa ayay ka dooratay

Waa sheeko aad u yaab badan oo tilmaamayso naagaha qooqa badan inaysan ku fiicnayn nimanka qabow.

Gabdhaha lacagta jecel waa halis, ninka marka uu gabar shukaansanayo waxaa laga rabaa inuu iska hubiyo dhaqankeeda iyo habka ay u fikirto.

Teeada kale ninka dareenka yar inuu iska ilaaliyo gabdhaha dareenka bad.

Wiil reer yurub ayaa soo booqday magaalada muqdisho, wuxuu bartay gabar qurux badan oo joog iyo jamaal leh.


gabadhii waxay muujisay inay wiilkan qurbaha ka yimid xiisaynayso.

waayo wiilka lacag buu lahaa, wuxuu watay baasaboor yurub.

waxaa dhacday gabadha inay wiilka jacayl u jisho.

maalin kaste waxay isla aadi jireen xeebta liido. casho ayay isla soo cuni jireen.

Waxaa dhacday in jacaylkooda uu siyaado oo ay go'aan ku gaaraan guur xalaal ah.

Wax yar kaddib guurkooda ayaa dhacay.

wuxuu u dhigay xaflad aroos aad u qiima bada dad badan ayaa kasoo qeybgalay.

wiilka wuxuu ahaa nin karti badan oo caqli badan oo si fiican u shaqaysto.

Marka guurka dhacay wiilka wuxuu ku noqday yurub. wuxuu bilaabay inuu usoo dacwoodo gabadha uu guursaday.

Marka uu warqadaha guurka u gudbiyay safaaradda ayuu bilaabay inuu gabadha kala hadlo xaalkeeda iyo sheekooyin badan la xiriira waxa ay jeceshay iyo siday tahay nolosheeda hadda.

Waxay ahayd gabadha mid aad u jecel howlaha sariirta, waxay ahayd naag dareen badan.

Ninkana wuxuu ahaa nin iska qabooban. waayo ragga qaar aad uma jecla sheekooyinka raaxada.

waxay ka helaan sheekada iyo hadalka caadiga ah.

Laakin gabadha waxay ahayd naag ku waalan arrimahaas.

Gabadha waxay ku raacday wiilkan lacagta, waayo lacag ayay aad raadinaysay.

Wuxuu dejiyay guri weyn oo qaali ah.

alaab badan ayuu u dhigay, qarash badan ayuu galiyay.

Mar kaste uu taleefan usoo diro waxay la galaysaa sheeko hoosaad. illeen aad bay u oommanayd.

isagana wuu ka cararaa kama helo sheekooyinka noocaas ah.

Waxaa dhacday nin saaxiibkiisa ahaa oo ay isla joogeen yurub oo isna doob ahaa ayaa soo aadayay muqdisho.

wuxuu ugusoo dhiibay xaaskiisa alaab hadiyad ah waxaa ku jiray dhar iyo barafuunno badan.

wuxuu u sheegay naagtiisa nin saaxiibkiisa inuu ugu soo dhiibay hadiyad qaali ah.

Wiilkii xamar ayuu yimid wuxuu la kulmay xaaska saaxiibkiisa.

waxay kusoo dhoweysay guriga waxay u keentay xalwo iyo buskud iyo doorsho.

aad bay u sheekaysteen. wiilka wuxuu ahaa nin ka duwan ninkeeda. wuxuu ahaa nin jecel sheekooyinka iyada ay xiisayso.

naagtan ninkan ayay la dhacday wuxuu ku abuuray fikir.

waxay isku barbardhigtay ninkeeda iyo isaga.

siday ugu kala duwan yihiin hadalka iyo sheekada.

ninkeeda kama helo sheekooyinka hoose.

laakin wiilkan aad buu u xiiseeyaa.

Habeen kale ayay kulmeen in badan ayay sheekeysteen.

waxay ugu sheekeysay xaaladdeeda iyo waxa ay ka hesho iyo ninkeeda inuusan fahmaynin waxa ay ka hesho. waxay ku tiri adigaa ka sheeko fiican.

wiilka gabadha saaxiibkiisa ayuu ka helay. waayo naag qurux badan oo haddana ka hesho sheekooyinka raaxada ayay noqotay.

Way is fahmeen.

Wiilka wuu soo laabtay wuxuu la kulmay saaxiibkiisa. laakin uma sheegin inuu xaaskiisa si fiican u bartay.

Wiilka wuxuu bilaabay inuu la xiriiro saaxiibkiisa xaaskiisa oo taleefan ay ku sheekaystaan iyadoo la qabo ayuu sheekooyin jacayl la gali jiray.

xariiftaan ninkeeda wayba nacday.

waxay bilowday inaysan taleefankiisa qiimeynin.

Waxaa dhacday maalin wiilka asoo khadka ku jiro inay kaamira u shiddo.

isagana kaamiro u shido.

xiriirkooda meel fog ayuu gaaray.

Waxay usoo bandhigtay ninkeeda inay iska fureyso oo diyaar ay u tahay inay is guursadaan.

wiilka wuxuu yiri aniga ceeb ayay igu tahay inaan ku guursado. hadhow waxaa lay dhahaa saaxiibkiisa ayuu naagta kala wareegay.

waxay tiri xor ayaad u tahay inaad guursato qofkaad rabto.

ugu dambeyn way ka dhaadhicisay wiilka inuu iyada guursado.

waxay bilowday inay ninkeeda ka dalbato furriin.

ninkeeda wuu yaabay wuxuu yiri maxaad ka rabtaa inaan ku furo.

Waad og tahay in dacwad aan kuu bilaabay saan yurub kuu keeno.

waxay tiri kuma rabo aniga ee iska keey fur.

ugu dambeyn wuu furay.

Wiilkii iyada xiriirka la waday oo ahaa ninkeeda saaxiibkiisa marka iyada lasoo furay wuu diiday inuu guursado.

wuxuu yiri aniga sumcaddayda ayay dhibaysaa arrintan haddaan ku dhaqaaqo.

laakin xiriir saaxiibtinnimo oo qarsoodi ah waan oggolahay.

meesha ayay ku kala boodeen.

aad bay uga xanaaqday wiilka.

iyada waxay u haysatay inuu guursanayo laakin isaga kama ahayn dhab guurka.

marka meesha ayay ku waaysay guurkeeda iyo gurigeeda iyo lacagta ay heli jirtay.

dumarka qaarkooda alaabtooda ayaa meel xun ku riddo.

naagtan hadday caqli lahaan lahayd gurigeeda ayay ilaalsan lahayd.

marka runtii naagta waxaa laga rabaa inay iska ilaaliso ragga guryaha dumiyo.

Naagta hadday noqoto qof aan ka fikirin dhibaatada ka imaan karto sheekooyinka ay ragga la galayso waxay ku dhacaysaa bohol weyn.

Bal eeg naagtan waxa ay hadda khasaartay markay ninkeeda khayaantay kaddib.

Khayaanada guriga waa mid halis ah oo keenaysa burbur daran.

Waliba waxaa ugu daran ninka qof u dhow markay xiriir la samayso. 

Jacaylka beenta ah dhibkaas ayuu leeyahay.

Nimanka guryaha dumiyo habkaas ayay naagaha u katalaan.

Marka hore wuxuu kusoo galaa inuu iska dhigayo nin danteeda ka shaqaynayo.

kaddib wuxuu isku baddalaa waraabe oo hilib gaadayo.

Waxaaba laga yaabaa inuu nolosheeda dhaafsiiyo. Sida waraabaha ariga uu u laayo.

Naagta arrintaas waxay uga badbaadi kartaa inay ragga iska  ilaaliso.

Oo ay noqoto naag af gaaban. Haddii ninkeeda baahi daran ay u qabto inay isaga u sheegato.

Waayo ninkaaga marka aad is fahantaan ayaad heli kartaa nolosha macaanka ah.

Laakin haddii qof kale aad u bandhigato dhibka ku haysto xattaa hadday tahay qof dumar ah halis ayaad la kulmaysaa.

Guryaha waxa ugu daran dumiyo waa hadalka layska qaado oo qof kale loo gudbiyo.

Marka ninkaaga ku kalsoonow oo iska ilaali ragga kale inaad u bandhigto dhibka ku haysto.

Ragga kama naxaan dumarka. Waxay u arkaan fursad naagta markay usoo bandhigto dhibka ka haysto xagga ninkeeda.

Runtii iska ilaali xaaladahan oo kale.

Teeda kale ninkaaga qaabab badan ayaad uga dhaacinin kartaa waxa aad u baahan tahay. Haka xishoonin.

Waxaa yaab badan dumarka qaarkooda ninkooda way ka xishoodaan laakin nimanka kale caadi wax walbo way u sheegaan.




Post a Comment (0)
Previous Post Next Post