Sida
la og yahay madaxweynaha dalka soomaaliya xasan sheekh maxamuud waxaa u
dhamaanayso goor dhow fatrada xukunkiisa.
Waxaa
la sheegayaa inuu rabo doorasho ka duwan midda uu ku yimid inuu qabto.
Laakin mucaaradka aad bay uga soo horjeedaan waxa uu xasan wado.
Runtii
Xasan lacag badan ayuu ka sameeyay madaxtinnimada intuu talada soomaaliya hayay
dhulal badan ayuu dhacay. Mana aha qof dadka dantooda ka shaqaynaya.
Dad
badan ayuu ka barakiciyay dhulkooda. Waxaa ka mid ah daayniile iyo meelo kale.
Sidaa
awgeed wuxuu og yahay inuusan kusoo laaban karin haddii doorasho sax ah la
qabto.
Marka
haddii xasan uu isku dayo dalka inuu sii haysto waxaa laga yaabaa inay ka
dhashaan arrimo laga shallaynayo.
Soomaaliya
run ahaantii ma aha dad is xukumi karo. Soddon sano ayay dowlad la’aan yihiin.
Caalamka
oo dhan wuu og yahay inay soomaalida ku nooshahay been iyo tuuganimo iyo
tuugsi.
Madaxda
raadinaysa xukunka waxay ka fikirayaan qaabka ay u urursan lahaayeen lacaga
lagu soo sadaqaysto dalka.
Waa dowlad
shaxaad ku dhisan oo qof kaste madax ah uu hammigiisa yahay inuu lacag xatooyo
qaato. Ama lacag lasoo tuugsaday.
Marka
run ahaantii dalka way adag tahay inuu tooso.
Kuwa
hadda wada rabo inay galaan booska xasan waxba isma dhaamaan.
Dhammaantooda
waa dameer iyo dhegihiisa.
Marka
waxaa laga rabaa dadka caqliga leh inay fahmaan sheekada sidey u socto.
Soomaaliya
waxaa burburinaya dowlado kale laakin waxaa loo soo adeegsanayaa burburintaas
dadka madaxda u ah.
Dowladda
dhabta ah oo danta dadkeeda ka shaqaysa waxay qabataa waxyaalo danta guud
waxtar u leh.
Laakin
kuwan sidaas ma aha, kaliya waxay ku faayaan inay lacagta kala qabbeeyaan. Waddankana
sidiisa ahaado.
Marka
soomaaliya balo ayaa haysata oo adag.
Sheekada
hadda la wadwado waa sheko shacabka lagu maaweelinayo. Ee ha layska ilaaliyo.
Haddii
xasan sheekh talada kusii dhego waddanka wuxuu ku laabanayaa xaaladda uu ku
sugnaa soddon sano kahor.
Farmaajo
ayaa isku dayay sheekadan oo kale inuu sameeyo hal sano ayuu bilaash ku cunay.
Xasan
isagana waddadaas ayuu hayaa. Waxaa la yaab leh Farmaajo markuu sidan
samaynayay Xasan aad buu u dhaleeceyn jiray.
Marka
meesha waxaad ka fahmaysaa inay dhammaantooda yihiin dameer iyo dhegigiisa.
Wax
damiir iyo diin iyo caqli inaysan lahayn.
