Mala leefi karaa farjiga dumarka ?

Leefida siilka iyo dhuuqida guska ma jiri jirin waagii hore, sidaa daraadeed salafka kama hadlin mas'aladan, waxaa ugu horreyey qof tilmaamo leefidda farjiga caalim maaliki ah oo la dhaho Asbagh  (tafsiirka qurdubi) wuxuu yiri : ninka waxaa u bannaan inuu carrabkiisa ku leefo farjiga, culimada casrigan jooga way isku khilaafeen Sh. Saalax luxaydaan wuxuu yiri : siilka in la leefo ama guska la dhuuqo waa xaaraan wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay falkaas xayawaan shaqadiisa, wuxuu kaloo yiri ninka iyo naagta marka ay kacsadan waxaa ka timaado madyi (kuulato) waana nijaas ruuxa ma garan karo marka ay ka imaanayaan biyahaas, marka haddii uu leefo ninka siilka ama naagta ay jiqdo guska waxaa afka u galaya najaaso marka waa xaaraan
laakin Sh. Cali Jumca iyo Sh. Salmaan Cowda iyo Sh. Khaalid Cabdilmuncim Arrifaaci way baneeyeen inuu ninka  leefi karo naagtana dhuuqi karto waxay daliil ka dhigteen  nusuusta guud ahaan ku soo aroortay inuu ninka naagtiisa u bannaantahay wixii sharciga diiday mooyee.

2 Comments

  1. Anonymous10/19/2011

    asc waa mahadsantihiin sida aad nooga qancisaan su aalaha mida kale marka la leefaayo farjiga candhuufta afku kuu soo galeyso mala laqi karaa mise waa in la iska tufaa ma wax cudur maa ka dhalan karo leefida siilka

    ReplyDelete
  2. saan horay u soo sheegnay leefidda farjiga waa la isku khilaafay diin ahaan, laakin caafimaad ahaan haddii meesho cudarro leedahay waxaa ka imaan karta khatar weyn, marka iska ilaali intaad karto inaad ka dheeraato candhuufta waxay u noqonaysaa meesha nadaafadeeda sida ay tahay iyo adiga awood ma u leedahay inaad laqdo

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post