Nimanka indhaha isku qabta xiliga galmada

Haween badan ayaa ku jahwareersan sababta ay ragga indhaha isugu qabtaan marka weerarka galmada socoto , hadaba waxaad u ogaan doontaa sirtaas si dhab ah
Qabiirada ku xeel xariirka lamanaayasha ayaa sheegaya in ay jiraan sababo rasmi ah oo ninka ku qasbaya in indhaha uu isku qabto, hadaba waxaa ka mid ah sababahaan.
*Ma dareemayo wax soo jiidasho oo uu ka helayo xiligaas lamaantiisa , waxa uuna ka fekarayaa naag kale oo ka raaxo macaan oo ka soo jiidasho wacan.
*Waxaa xiligaa ku soo dhaca haween kale ama xaaskiisa hore
*Waxaa uu dareemaa macaan la`aan lamaantiisa
Waxaa ragga lagu yaqaan in marka ay raaxeysanayaan in ay indhaha la raacaan xaaskooda xiliga galmada socoto , balse marka uu indhaha isku qabto qubarada waxa ay leeyihiin waxa uu ka fekaraya meel kale gaar ahaan naag kale .
Hadaba si xal arinkaas aad ugu hesho gabaryaheey waxaan ku siineynaa taladaan soo socoto.
*U dhaweey indhahiisa nalka jiifka
*si gaar ah ula soco xaaladiisa marka galmada bilbaato , marka uu indhaha isku qabtana su`aal toos ah weydii .
*Waxaad tiraahdaa maxaad indhaha isugu qabaneysaa , balse su`aasha ha ahaato mid hab kalgaceyl ku saleysan oo aad u weydiineyso , iskana ilaali in su`aasha si eedeyn ah u weydiiso
Qubaro kale ayaa iyana aaminsan in indha isku qabashada ragga xiliga galmada socoto ay tahay mid si dabiici ah isaga dhacda gaar ahaan marka uu dareemo raaxo .
Tusaale ahaan qofka marka uu yimaado meel degan hawada furan tahay oo aad hesho meel aad ku santiicsato(Ku tiirsato)waa qasab in aad indhaha isku qabto ,sidaa ayay qubarada ku tilmaameen in ay tahay mid aan ku xirneyn in xiligaas naag kale fakarayo.

4 Comments

  1. Anonymous11/09/2011

    Haduu indhaha isku qabsado markuu Biya baxayo malaa oran kara naagkale ayu ka fakarayaaa?

    ReplyDelete
  2. taas dadka way ku kala duwanyihiin lama dhihi karo qof kasta indhaha isku qabto wuxuu ku fikirayaa naag kale

    ReplyDelete
  3. Anonymous11/13/2011

    waa sax marka uu ninku indhaha isku qabto xilliga Galmada waxaa uu ka
    fikirayaa raaxo-la'aanta uu ka dareemayo xaaskiisa waxaanu ka fekerayaa
    naago kale. anigu taas waan arkay waanan ku raacsanahay khubaradaaas .

    ReplyDelete
  4. Anonymous11/14/2011

    Asc anigu waxaan ahay nin indhahana waan isku qabtaa marka biyuhu iga soo baxayaan, kamase fikirko naag kale waxaase iigu wacan dareenka ka dhasha soo bixidda shahwada. Badanaana raggu waxay indhaha isku qabtaan marka biyuhu ka soo baxayaan. Wayse dhici kartaa in ragga qaarkii indhaha isku qabtaan xilliga hore ee la wada raaxeysanayo ayna ku kallifto inuusan ku qanacsaneyn wada shaqeyn la'aanta ka iman karta xaaskiisa oo uu markaas qalbiga gashado naag kale oo horay u soo martey oo middan hadda uu la raaxeysanayo kaga fiicned galmada. Waxaanan u sheegayaa dumarka Soomaaliyeed in raggu dareemaan raaxo iyo qanacsanaan dheeraad ah markay arkaan xaaskooda oo tuseysa iney ku raaxeysaneyso galmadiisa. Ma ahan wax ceeb ah inuu ninkaagu maqlo codkaaga ama guuxaaga iyo ereyo aad ugu muujineyso sidaad uga heleyso uguna qanacsan tahay galmadiisa. Wuubase kugu sii jeclaanayaa una xiisayaa mar kasta galmadaada. Marka dumarow xishoodku waa wax fiican Ilaahay ayaana idinku abuuray, laakiin ma aha inaad ka xishootaan ninkaaga oo aad neefta isku xirtaan si uusan kuu maqlin ama kuu dareemin inaad ka heshay galmadiisa. Sideed uga xishooneysaa nin aad isu qaawisey oo aad galmo la sameyneyso? Maxaa kuu qarsoon oo kuu haray oo aad kala xishoon haddiiba aad hoos jiifto? Tan kale ee aan idinkula talinayo waxay tahay inaadan mar kasta ninka ka sugin inuu ku soo doonto. Waxaa dhici karta inuusan galma rabin laakiin aad adigu rabto oo aad is tiraahdo muxuu kuu soo raadsan la'yahay malaha kuma jecla ama naag kaluu la soo raaxeystey isagana ama uu daallan yahay ama dhib kale haysto. Haddiise markaaad u baahan tahay galmo aad ku billowdo oo aad kiciso waxaa hubaal ah inuusan ku dhaafaynin. Hadduu problem haysteyna uu ku iloobayo galmada uuna nafisayo.

    Waxyaalaha ugu badan ee ragga ku kallifa iney naag kale raadsadaan waxaa ka mid ah qanacsanaan la'aan dhanka gogosha ah. Cuntada waad noogu roon tihiin oo waad ka dadaashaan, arrintuse ma aha cunto keliya ee noogu roonaada gogoshana. Bal raggina weydiiya midkay dooran lahaayeen gabar cunto karis fiican iyo gabar gamada ku wanaagsan. Anigu kolley tan danbaan dooran lahaa. Marka dumarow (kulli ma wada aha) fahma raggiinu waxay rabaan iyo sidey u rabaan idinkuna ha qarsannina darenkiinna iyo waxaad rabtaan iyo sidaad u rabtaan si qoysas badani uga badbaadaan burbur.

    Ha u qaadannina inaan keligiin dumarow eeda idin saarayo ee ragguna qayb ayay ku leeyihiin arrimahan, laakiin markalaan iyagana ka hadli doonaa insha Allaah.

    Salaam,

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post