Qurxinta gacmaha iyo faraha

Dumar badan oo inaga mid ahi waxay aad uga shaqeeyaan qurxinta wajiga iyo timaha, iyagoo ilowsan gacmahoodu inay yihiin  quruxda iyo caafimaadka jidhka kuwa ugu sareeya, waxaa hubaala gabadha xijaaban quruxda jidhkeeda iyo caafimaadkiisa in laga qiyaaso gacmahooda. Cidiyaha oo la dhereeyo oo si qurux badan loo jaro kaliya maaha quruxda gacmaha, gacmaha oo xine (cilaan) la mariyo waa qurux soo jiidasholeh oo ay dumarka soomaaliyeed caan ku noqdeen. Xinaha kaliya oo aad mariso gacmahaaga kuma filna, gacmaha gabadhu waxa ay kaga duwan yihiin gacmaha nimanka ee la isku raacaay waa inay yihiin gacmo jilicsan oo aan qalafsanayn, gacmo marka la taabto la dareemo naxariis iyo dabacsanaan. Hadaba sideed ku gaadhi kartaa in gacmahaagu ay noqdaan ku naxariis iyo qurux u saaxiib ah.

    Markaad ka shaqaynayso guriga khaasatan musqusha (suuliga) xidho gacmaha lagu shaqeeyo.
    Si fiican u qalaji markaad wax dhaqdo ama aad gacmaha maydhato
    Markasta isticmaal kiriimka loogu tala galay gacmaha ama kuwo u dhigma oo ka ilaaliya qalaylka badan.  Ka ilaali gacmahaaga qalaylka badan ee keena qalafsanaanta jidhka.
    Isbar inaad gacmahaaga duugto (Massege) markastood fursad u hesho
    Aad uga ilaali gacmahaaga alaabta guriga lagu nadiifiyo ee ay ka buuxaan kiimikadu sida jaafeelka iwm.
    Hadii aad tahay dadka ku nool dhulalka qabow, joogto ka dhigo inaad mariso kiriim subagleh, habeenkii inta aadan seexan ka horna marso kiriim gacmaha.
    Ka ilaali gacmahaaga inay ka soo uraan basal iwm, waxaad isticmaashaa sabuun ay ku jirto liin dhahaan, hadii aadan heli karina waxaad ku xoqdaa gacmaha liindhanaanta diirkeeda iyo biyaheedaba, kadibna biyo ku maydh waxaad arkaysaa urtii oo isbadashay.

1 Comments

  1. Anonymous1/11/2012

    Ascww Aad bad ugu mahadsantihiin sida fiican ee ad noogu faaiidaynaysaal, wl waxanidin weydiinayaa sidee looga baabinkaraa wajiga ama lugaha barta adag ee madow ee sujuudu ku samayso?
    waa mahadsantihiin.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post