Sida loo daaweeyo jeexjeexa jirka oo ka dhasha cayilka ama caatoobidda ama uurka

Waxaa lagu daaweyn karaa si dabiici ah jexjeexa ka dhasha cayilka ama caatanimada ama uurka
1- caddaanka ukunta ayaa la marinayaa meesha jeexjeexan oo jirka
waxaa lagu dhaafaa muddo nus saac
2- kaddib waxaa lagu dhaqaa meesha la mariyay caddaanka ukunta biyo qandac ah iyo shaambada jirka kaddib meesha ayaa la qallajinayaa
3- haddana meesha oo jeexjeexan waxaa la mariyaa  almond oil waa la daayaa ilaa saliidda ku qallasho maqaalka kaddib waxaad dhaqi kartaa meesha saacad kaddib laakin waxaa fiican inaad ka tagto waxaa la rabaa in sameeyo sidan todobaadkii labo mar haddii Alle idmo jeexjeexa wuu tagayaa 80% waxaa la wadayaa ilaa laga helo natiijo fiican

7 Comments

  1. Anonymous1/01/2012

    asc walal waad mahadsantihin almond oil saliida lowska miyaa saas ayan ufahmay mise waa wax kale mida kale ukunta inta kad bis ah ayaa lamarinaya so mahan mise kuli waa lawada marin karaa asc

    ReplyDelete
  2. waa saliidda lowska ukuntana inta cad

    ReplyDelete
  3. Anonymous1/03/2012

    Dumarku kolay uurka leeyihiin wajigooda waxaa fuula ama lagu arkaa mad madow bar bar ah ama Haaro maxaa keena haarahaas maladaaweynkaraa. ragguse wjiga haaro maku yeelankaraan maxaa keena haarahaas guudahaan? Mahadsanidin.

    ReplyDelete
  4. dhibcaha madmadow ma sababo uurka bal waxaa keena waxyaalo kale oo ay ka mid tahay qorraxda waxaa lagu daaweyn karaa kareemooyinka loogu talagalay jirka

    ReplyDelete
  5. suunka aad adeegsato ma korontuu ku shaqeeyaa ?

    ReplyDelete
  6. Anonymous1/04/2012

    walalayaal maxaaa sababa in jirka midabkisa uu is bedelo ama kala madobaado maxaase lagu dawayn karaa masa jiraan in jirka nafaqo uu tabaayo ay sababtay? teeda kale kilkilaha hoostodo aad bay ii cuncunayaan cagahana waa i jeexjeexmeen maxan sameeyaa walalyaal???? help is needed by me jzk

    ReplyDelete
  7. sababaha jirka midabka ka baddalo waxaa ka mid ah sida soo socota
    1- qorraxda ruuxa in badan inay ku dhacdo jirkiis ama muddo badan dhex joogo
    2- ama daal oo mar kasta joogto ah
    3- ama walwal iyo walbahaar aan dhamaaninhabeen iyo maalin
    4- ama dhibaato xaga maqaarka jirka sida jirrooyin jirka iwm.
    5-ama nafaqo xumo

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post