Cuntada ayay ragu ka doortaan raaxada sariirta

Hore ayaa soomalidu ugu maahmaahday rag waxa u liita calooshii la ciyaar oo looga jeedo;  ninka ku fikirayo oo kaliya hadii uu dhergo in dhibaato dhamaatay.
Laakiin waxa taa sii xoojiyay in aqoonyahanada darista xiriirka ka dhaxeeya raga iyo dumark ay ogaadeen in ragu xataa wada raaxaysiga sariirta ay ka doorbidaan in marka hore ay calooshu u buuxdo. Taasina waxa ay u eegtahay in ay ku soo aroortay maah-maahda soomaliyeed ee tiraa ” Nin waliba inta uu cuno ayuu ciidamiyaa” oo macnaheedu tahy, qofku marka uu wax cuno oo uu tamar helo ayuu wax qaban karaa.
Baadhitaanka ayaa khuburada samaysay  waxa ay ka qaadeen waraysi ilaa 10 000 oo nin oo u dhashay Australia. Suaalaha la waydiinayay oo ay ka mid ahayd xilima ayaad heshaa dareenka ugu wanaagsan ayaa waxa ay ku jawaabeen; marka aan helo cunto macaan.  Suaasha kale ee ayaduna sida taa hore oo kale aad loogu codeeyay ayaa waxa ahayd in ragu helaan dareen fiican marka ay gaadhaan meesha ay hiigsanayaan.
Waxa kale oo ayaduna safka meesha seddexaad ka gashay marka ay ragu nasanayaan oo ay ka helaan dareen wanaagsan. Galmada ama wada raaxaysiga oo ka mid ahayd suaalaha la  waydiiayay ayaa safka ka gashay meesha afaraad.
Ladaneey
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post