Farqiga naagaha u dhexeeya

Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga dhaqankana looga dambeeyay , ayaa waxaa uu damcay in uu Cashar la xiriira Haweenka u gudbiyo Wiil uu isagu dhalay oo markaas guur-doon ahaa.

Odaygii ayaa waxaa uu ku yiri Wiilkiisa:-”Maandhow, inta aadan guursan, oo aadan dhex-dabbaalan badweynta Haweenka, bal marka hore si fiican isaga eeg oo hubso gabadha ama Haweeneyda aad la aqal-galayso; Ogowna in ay Haweenku u kala baxaan toddoba nooc”.

Wuxuu tibaaxay Odaygu: “Iga dhegeyso aan kuu bidhaamiyee sida ay kala yihiin toddobadaas,waana kuwan”:-

(1) Il-dheer:- Waa gabadha Indhaha un wareejiso,la-raacda oo ku maqan wixii cusub ee dhar,alaab-guri iyo qalab lagu xarragooda ah ee suuqa ku soo kordha ama ku aragto gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa ninkeeda soo iibinta waxaas cusub.

Waa tan ku tiraahda ninka qaba:-” Haddaadan ii iibinayn waxaas , ima jeclide iska-key fur”. Waa tan aanan tixgelin awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan ninkeeda.

(2) Dheg-dheer:- Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo kaliya,aanna hubsan xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa seygeeda:-”Waan maqlay in aad naag kale la socoto”,”Waa la ii sheegay in aad xiriir la leedahay heblaayo”,”Waan la socdaa meelaha aad beryahan ka daba-wareegto”iwm..

Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan”Ma-hubsato meher-laay”..!!. Waxay dhegta u raaricisaa “ku-tiri ku-teenta xaawalayda” iyo waxa loo yaqaan “Warka Shaashka”. Waa mid dabin ugu dhici karaysa cadowgeeda iyo cadowga ninkeeda,xilli uu isaguna kaba fog-yahay,Allahiisna uu ka Allah yahay waxa laga sheegayo.

(3) Carrab-dheer:- Waa qaylo badan,joogto ugu taagan derisyadeeda, ninkeeda,caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaaddaa g ogosha iyo xilliyada nasashada,dabadeedna waxay ku furtaa dood,dacwad iyo dalabaad aan dhammaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-lagaaddada iyo jaa’ifeynta.

(4) Gacan-dheer:- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana ay dhexdu u xiran tahay; garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa-xeydan tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday.

Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee xaafadaha iyo saldhigyada booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.

(5) Lug-dheer:- Waa war-wareegtooy, waaba tiris, oo ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa quful weyn oo maar ah. Caruurteeda ayaa odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay:-aroos, nikaax,dhaloow, furoow, qaraaba-salaan,tacsi loo fadhiyo maalintii 14-aad, maalin-joog, meel ay ku kulmayaan habro ayuuto (Shaloongo) isku darsaday,madax-shub(abaay-abaay) iwm.

(6) Joog-dheer :-Waa mid Jamaal badan ah, waa gabadha dhammeysay quruxda muuqata ee xagga jirka ah (jiroos), indha-deeraley ay raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan (i arkaay).

Laakin,markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa dhiiqo,dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal. Ma jirto gogol kaliya oo u goglan iyada. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa bar-bar yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa. Iyadaa sanka baloolisa oo “Uf” kala hor-marta dadka kale.Waa mid aan lagu gaareyn areebanimada, markii gadaal loogu noqdo.

(7) Garaad-dheer:-Waa “Marwo-dumar”. Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn, amaba iska fool-xun, laakinse, waxay leedahay quruxda dahsoon ee edeb, akhlaaq, sarriig, xishood, af-gaabni, dulqaad, qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay,waa wada goglan yahay,waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah.

Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda, waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada xun. Waxay ugu yeertaa ninkeeda:-gacaliye, macaane (macow), walaal, ina-adeer iwm. oo ka kal iyo laab ah, dano khaas ah iyo xilli goonni ahna aanan ku xirnayn.

Haddii uu Ninkeedu wax-beelo(sabool noqdo), gacantiisuna ay eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa, waxayna u guntataa daboolidda baahida iyo adeegsiga xikmad iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ah “Raalliyo” uu ninkii hela uu nasiib leeyahay. Tan ayuuna guursigeeda odaygu kula dardaarmay wiilkiisa,wallow uu “Guurku yahay God Gacanta loo ritay”. Oo looga jeedo nasiib.

Ladaneey    /www.ladaneey.com

15 Comments

  1. Anonymous12/08/2010

    naagaha soomaalida aad bay u kala qurux badan yihiin laakin kacsigaa ku yar badankooda, foorarsina ma ogola marka loo tagayo, waxay jecel yihiin in mugdiga lagu dhabo

    ReplyDelete
  2. Anonymous12/08/2010

    naag soomaali kintir leh waxaa laga helaa yurub waayo lama gudin gabdhaha soomaali yurub lagu dhalay

    ReplyDelete
  3. Anonymous12/10/2010

    soomaali kacsan

    ReplyDelete
  4. sxb naag kintirle ayaan raadinaya oo somaliya ha la ii sopo sheego lolz

    ReplyDelete
  5. Anonymous12/18/2010

    dumarka yaa ugu raaxo badan

    ReplyDelete
  6. Anonymous12/18/2010

    dumarka waxa ugu raaxo badan kuwa leh naaso waaweyn,sunana loo guday oo kintir kii kuyaal,dabcan taasoo dhan waxa ka horeysa iney wax ka taqaan sex education.

    ReplyDelete
  7. Anonymous12/18/2010

    naag gudan kintir ma laha sxb xitaa haddii loo guday sunna naagta aan gudnayn ayaa kacsi badan leh, laakin su'aal haddan ku weydiiyo sxb naagta naasaha waaweyn sidee ay u raaxo badantahay, dad baa jira ka hela dumarka naasaha yaryar

    ReplyDelete
  8. Anonymous12/18/2010

    naasaha waaweyn waxey ku macanyihiin salaaxista iyo dhuuqista,lakin naasaha yaryar raaxo maleh fikirkeyga dabcan dad wey jiran saas raaxo u arka.teeda kale gabdhaha gudan suno waa loo reebaa kintirka sas darted kacsigooda wu badanyahay.

    ReplyDelete
  9. Anonymous12/19/2010

    raaxada dumarku rabaaan waa tee ??

    ReplyDelete
  10. raaxada dumarka rabaan waa tan sariirta oo aan laga maarmeen marwalba iyo naxariista marwalba inaad ulahataa oo kalgacel ah nolosha waa in lawadagaa labad dhinacba waa in kalsooni jirta labad dhinacba guriga intaas ayuu ku dhisan yahay qibrad weyn ayaan uleeyahay naagaha tii aad wax urabto iyo tii kalaba

    ReplyDelete
  11. raaxada dumarka waa la dhameeye odygaa haloo daayo waa tan ugu dabeysa ee aqlkeedu udgoonyhay ilaah daayeey markaa marka loo gudubo hoos ahneed waa gabdha aad iyi aad u wacan oo ilaaliysa ninkeeda >

    ReplyDelete
  12. shuunka naagaha kacsiga muyuu yreeyaa amaa waa kordjiyaa, nimanka miyay jecel yihiin gabar sguun leh ??/

    ReplyDelete
  13. Anonymous1/19/2011

    dumarka shuunka leh, raga majecla, sababtoo ah maba la arkayo meesha aad wax ku wadib, tankale gabadha shuunka leh markay dhacan qooya farjigeeda yimado, meesha oo dhan buu xumaynayaa, marka ra'yigayga waxan qabaa ma fiicna.

    ReplyDelete
  14. Anonymous2/13/2011

    naagaha buuran iyo naagaha caatada ah waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn, kuwa buuran oo naasa waaweyn aad bay u raaxo badan yihiin, marka ay foorarsato aad bay kuu kicinaysaa naagta buuran, tan caatada aad dadka uma soo jiidato

    ReplyDelete
  15. Anonymous11/09/2011

    asc waxan ra,yi ka odhan lahaa eraybixinta mutaxan maxaa loo doortay miyaan la isticmaali karin kuwa dahsoon oo lafahmi karo mise wax iga horeeyay oo khasbaya ayaa jira sida in ereayada akhrintooda loo isticmaalo dareen qadasho MAHADSANIDIN

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post