Raaxada galmada xaaskaaga waa dawo jirka u roon

Galmada raaxada guurku maaha oo kaliya in ay isu soodhawayso lamaanaha, caruurna ku soo biiriso qoyska. Laakiin galmadu waxa kale oo ay wax ka tartaa miisaan dhimida. Waxaa ku xoogaysta jirka. Hadaba aan halkan hoose ku soo koobno faaiidada ay leedahay:
Cimrigaago oo ay dheerayso
Sida ku xusan baaritaan ay samaysay the American Association Of Retired Person ayaa waxa uu sheegaya in galmadu  yarayso kanserka ku dhaca brostatada hadii raaxaysiga lamaanuhu uu yahay mid joogta ah. Isla baadhitaankaasna waxa lagu ogaaday in dhiigkarko hoos u dhaco inkastoo xiliga raaxaysiga uu dhiigu korukaco.
Raga aan la raaxaysan xaaskooda in ka yar hal mar bishii ayaa waxa ay khatar u yihiin in uu ku dhaco wadna xanuunka la dhaho heart atack. Halka ninka usbuucii seddex jeer la raaxaysta xaaskiisa uu ka badbaadayo khatartaas.
Xataa raaxaysiga seddex jeer usbuucii waxa uu hoos u dhigaa dhiiga ku furma maskaxda ee la dhaho strook.
Kahortagtaa cudurka sonkorta
Daraasad ay samaysay American Medical Association ayaa waxa lagu ogaaday in xiliga xaraarada ee raaxaysiga uu jirku soo daayo dheecaano ama hoormoono kuwaas oo u wanaagsan insuliinta jirku ku gubo sonkorta. Sidaadarteed galmada lamaanahu waxa ay yaraysaa in ay qofka ku dhacdo kaadimacaan ama sonkoroow iyo buurnaanta.
Caato caafimaad qabtay keentaa
Waxa ay gabadha khabiirka ku ah tababarka jirka ee la yiraa Nicki Waterman sheegtay in 30 daqiiqo oo raaxaysi ahi ay gubayso 200 oo kalori. Markaa hadii aad 5 jeer asbuucii la raaxaysatid jacaylkaaga waa adiga oo 2,5 saacadood tababar sameeyay, waa sida uu ay hadalka u dhigtaye.
Waxa Nicki sii sheegtay in gabadhu ku dhimayso miisaankeedaa hadii ay tahay ta ka kormaraysa sayigeeda xiliga lagu jiro raaxaysiga. Halkaas oo muruqyadeeda caloosha iyo luguhu tababar xoogan ku qaadanayaan.
Difaaca jirka oo ku xoogaysta
Wada raaxaysiga caadiga ah waxa uu yareeyaa hargabka, mar hadii raaxaysigu xoojinayso awooda jirku isaga difaaco cudurada.
Kartidaada ayaa raaxada guurku kor u qaadaa
Hadii barito lagaa sugayo in aad si fiican u gudato shaqo lagaa rabo waa in aad habeenkii si fiican ula raaxaysataa jacaylkaaga. Taasina wax ay kor u qaadaysaa kartidaada.
Ladaneey

1 Comments

  1. Anonymous12/28/2010

    waa sax marka ay ninka ku bataan biyaha shahwada wuxuu dareemayaa qoora xanuun, iyo fikir daran, marka uu xaaskiisa la kulmo oo uu biyabbaxo aad buu nafisaa, kacsiga waa cadaab daran

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post