6 hab oo loo qurxiyo cagaha




Waxa aynu ku jiraa waqti meelo badan oo aduunka ka mid ahi uu ka jiro xiliga kulaylka ee xagaaga. Kulaylkaas oo sababaya in ayna fududayn in la xirto kabo buudh ah, kuwa sport iyo kuwa kaleba. Laakiin ay fiican tahay in la xirto kabo sandaal ama dacas casriyaysan. Xirashada kabaha dedan ayaa lugaha laga dareemaa kulayl iyo dhidid badan oo ka yimaada cagaha. Si uu hadaba uu qofku u helo qabow ayaa waxa haboon in ay caguhu helaan layr.
Marka uu qofku isticmaalo sandaal ayaa waxa cagahiisa ka muuqanaya qalayl.

Hadaba si ay cagahaagu u noqdaan kuwo qurux badan ayaa waxa aad samaynaysaa lixdan arimood.

1 – Lugaha ugu qabee baaf
Waa in aad si joogta ah u dhaqdaa cagagahaaga xiliga kulaylka ee xagaaga. Ku shubo biyo cusbo ama saabuun leh baaf oo dhex gali cagaha, kuna dhaaf ilaa 10 daqiiqo.

2 – Qalaji cagaha
Waxa muhiiim ah in aad cagaha qalajiso marka aad dhaqdo, waliba ha ilaabin in aad faraha dhexdooda qalajiso.

3 – Cidiyaha
Mar hadii lagu jiro xili la xiran yahay sandaal ayaa cagahaagu ahaanayaan kuwa markasta debada yaala, markaa waxa haboon in aad si qurux badan u goyso cidiyaha, ku jar maqaska cidiyaha, si toos ah u jar oo ka dibna xoq.

4 – Xoq cagaha
Xoq hilibka ku ag yaala cidiyaha si aad uga qaado maqaarka qalaylka ah iyo ka gaboobay si ay meeshaasi u noqoto mid jilicsan. Xataa waxa kale oo aad xoqdaa meelaha kale ee ka mid ah cagta gudheeda ee adag.

5 – Kareem mari cagaha
Cagaha mari kareemka cagahaee jilcinaya. Hadii ay caguhu ku dildilaacaan ama safan kaa gasho ayaa waxa aad soo iibsan kartaa kareem hoos u dhigaya dildilaaca. Waxa kale oo muhiim ah in aad ogaato in ayna fiicnayn in aad faraha dhexdooda mariso kareem. Hadii faraha dhexdooda aad kareem marinasyo ha ahaado ka loogu tala galay ee ka ilaalinaya fangaska (qawadka).

6 – Rinjiga cidiyaha ama cilaan
Si aad u heshid dareenka cago qurux badana, mari cidiyaha laba mar middab qurux badan kadibnka mari dawada sii adkaynaysa ee widhwidhinaysa.

Katra Ahmed Ali
Ladaneey Magazine

3 Comments

  1. Anonymous4/11/2011

    asalamu caleykuum walalyaal dhamaantin waadna ku mahdsantihiin qoraalka aadka u muhiimka aad noso gudbisiin. hadii aan ka gudbo walalyaal waxaan ahay hooyo markaan uurka lahaa jirkeyga aad buu isku bedelay oo wuu madoobey, qof cadaan u dhashayna waan ahay marka anigii dhan jirkayga waa sii dilmayaaa marka wax dabiici ah oo jirka lagu dhaqi karo ma jiraan? walalyaal caawintiina u baahanahay? wayaahan danbe dadka waxyaalo aan caafimadka u fiicneyn bay jirka ku dhaqaan marka aniga walalyaal waxaan rabaa waxyaalo dabiici ah oo jirka aan marsado lakiiiiiiin aqoon uma lihi? waad mahadsantihiiiin

    ReplyDelete
  2. Wcs walaal waa runtaada naagaha marka ay dhalaan aad bay isu baddalaan marka aad isoo weydiisay waxaan kuu duuriyay baaritaan ku saabsan arrinkan waxaan dhigay qoraal badan

    --------------------------------------

    1- Cadaanka ukunta iyo liin dhanaan iyo hal qaaddo malab cad iyo malab madow iyo hal qaaddo biyaha macdanta ah
    dhammaan inta la isku qaso ayaa jirka la marinayaa waa laga tagayaa ilaa uu ka qalalo kaddib jirka waxaa lagu dhaqayaa biyo qandac ah


    Caddeynta iyo dhaldhalaalinta

    2-caddaanka ukunta iyo liin dhanaan iyo wax yar sanjabiil ayaa si fiican la isugu labayaa kaddib jirka ayaa la marinayaa waxaa la sugayaa 15 daqiiqo kaddib waxaa lagu dhaqayaa jrika miyo qandac ah, inshaa allaa muddo kaddib waxaad ka dareemaysaa isbaddal weyn


    Caddeynta iyo dhaldhalaalinta

    3 -seddex qaaddo bur aad u fiican iyo caano fareesh ah iyo xabbad liin dhanaan, dhammaan waa la isku qasayaa ilaa ay noqdaan cajiin jilicsan kaddib jirka ayaa lagu dhoobayaa waxaa la sugayaa muddo 20 daqiiqo kaddib waxaa lagu dhaqayaa biyo qabow, qabkan wuxuu u kordhinayaa jirka birbir iyo qurux

    Dhaldhalaalinta iyo baabi'inta dildillaaca jirka

    4-Jaallaha ukunta iyo hal qaaddo saliid ganlley iyo liin dhanaan si fiican ayaa la isugu labayaa kaddib
    jirka ayaa la marinayaa marquu qalalo waxaa lagu dhaqayaa biyo qandac ah, sifadan jirka ayay ka sifaysaa laablaabka iyo jeexjeexa
    isagoo sairo wata meeshan ka gal
    http://raaxadaguurka.blogspot.com/2011/04/dawo-dabiici-ah-oo-jirkaaga-ka-dhigi.html

    ReplyDelete
  3. Anonymous4/11/2011

    mashalaaaah barakalahu fiiika/fiiki ilahay kheyr badan haku siiyo

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post