Sheeko dhexmartay gabadh iyo aabaheed


Samiira Cali waa gabar u dhalatay dalka Soomaaliya, waxaana sheeko layaab leh ay dhex martay iyada iyo Aabaheyd, Samira waxay aheyd gabar wanaagsan misana ka soocneyd gabdhaha qaar ee soomaalida.

Xilligii ay Samiira soo gaartay 19 jir ayuu aabaheed ku yiri, “ waxaan doonaayaa inaan kuugu daro nin, ee waa inaad ogaataa, misana aad diyaar garowdaa” Samiira ayaad aad u carootay misana ooyin dhulka la-dhacday.


Waxayna ku tiri aabaheyd “aabe maxaad nin igu dareysaa, aabe weli waan yarahay, ee aabe waan ku baryaayaa ee nin ha’iiguurin, aabe ima jeclid miyaa” hase ahaatee odaygii dhalay ayaa taasi ka madax adeegay, isla-markaana wuxuu ugu jawaabay “aabe hadalka aad maanta ileedahay, maalin kale ayaan ku siin doonaa jawaabteeda”.
Sheeko dhexmartay gabadh iyo aabaheed



Samiira Cali waxaa lagu daray nin ay qaraabo hoose ahaayeen, isla-markaana waxay degnaayeen magaaladda Marka ee gobolka Shabeelaha hoose, aabaheydna wuxuu degnaa degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.


Xilli ay kasoo wareegatay 5 sano, misana ay Samiira heysato dhowr caruur ah, reerkeedana si wanaagsan u dhaqaneyso, ayaa waxaa booqasho ugu yimid aabaheyd, wareysi dheer kadib ayuu aabaheed ooyay, kuna calaacalay “Aabe ina keen oo i raac, Aabe kaama maarmo oo waxaan rabaa inaad ila noolaato”


Samiira Cali ayaa aad u yaabtay, kuna jawaabtay “aabe sideen kuu raacaa, soo ma’aragtit inaan ahay Marwo uu nin qabo, misana heysato dhawr caruur oo yar-yar ah”.
Mmarkaas ayaa odaygii intuu qoslay ku yiri, “su’aashii aad hada kahor i waydiisay jawaabteeda waa taas”
dhacdo:com

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post