5 caruur ayaa ii joogto Ninkeyga waxa uu ugu xujeeyay inaa Aabahey u keeno

 "5 caruur ayaa ii joogto. Ninkeyga waxa uu ugu xujeeyay inaa Aabahey u keeno, Aabahey anigoo yar ayay Hooyadeey kala tageen ma aqaan meel uu ku nool yahay, Hooyane anigoo 5 jir ayay geeriyotay. Ayeeyo hooyo dhashay ayaa isoo korsatay iyadane hadda lama nooli.


Dhoor mar ayaa guur iga fashilmay sababo Aabo la,aan dartiisa. Ninkii aan guursan rabo wuxuu i leeyahay Aabo aaway anne Aabo meel aan ku ogohay malahan. Walaal ila dhashtay malahan. Hooyadeey kaligey ayay iga dhashay.
Hooyo, Aabe iyo walaal ii joogo hadda malahan. Mustaqbalkeyga mugti ayaa igu jiro. caruurteyda Aabahood wuxuu i leeyahay Aabahaa ii keen, meel aan wax ka bilaabo malahan. Aabahey waxa liigu sheegay inuu Abgaal yahay kana sii yahay Agoon Yare kuna nool yahay magaalada Muqdisho balse waligey ma arkin oo dadka kama aqaano".
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post