Dhalinyarada soomaalida ee degan Koonfur Afrika oo aad u guursanaaya dumarka dalkaas

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan ama ka xamaasha dalka Koonfur Afrika ayaa aad u guursanaaya gabdhaha u dhashay dalkaasi, taasoo lagu micneeyay siyaabo kala duwan oo is-khilaafsan.
Xilliyaddii ugu danbeysay ayay dhalinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee dalka Koonfur Afrika caadeysteen inay guursadaan gabdhaha dalkaasi.

kuwo qaar ayaa la-sheegay inay guursadaan hablaha u dhashay dalka Koonfur Afrika, bacdamaa ay guurka ku adkeeyeen hablaha Soomalida, ka gadaal markii ay ku xujiyeen gaari maleedahay, maherkayga waa 15,000 oo dollar iyo ganacsade matahay.

Sidoo kale qaar ka tirsan dhalinta Soomaaliyeed ayaa iyana la-sheegay inay fureyn xaasaskoodii ay qabeen, taasoo ay ugu wacan tahay iyagoo raadinaya basaboorka dalka Koonfur Afrika, si’ay ugu tagaan wadamada reer galbeedka.

Tani ayaa walaac xoogan ku abuurtay hablaha Soomaalida ee jooga dalka Soomaaliya, kuwaasoo raggii qabay ugu baaqeyn inay kala tagaan, bacdamaa ay doonayaan inay guursadaan hablaha u dhashay wadanka Koonfur Afrika.

Sucdi Maxamed Sahal oo kamid ah dumarka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Wadajir ee gobolka Banadir oo ay la-xiriirta shabakadda dhacdo.com ayaa waxay inoo sheegtay ninkii qabi jiray inuu ku yiri waxan go’aansaday inaan iskakaa furo, taasoo ay ku micneysay inuu doonaayo inuu guursado gabar u dhalatay dalka Koonfur Afrika, si bay tiri uu gacanta ugu dhigo basaboorka dalkaasi.

Adiguna sideed u aragtaa guurka wiilasha soomaaliyeed ee hablaha ajanabiga?
Ka dhiibo doodan rayigaaga!

Sundus Axmed
Dhacdo.com

2 Comments

  1. Anonymous2/22/2011

    aniga waxaan jogaa south africa.wana ogahay arintas,dhibka kuqasbe wiilasha somaaliyed basaboor kali maaha ee walxa kaleetona wey jiraan sida raagii oo shahwada kubadhatay oo naago ,. quraxsan,,oo daacad ah hele(midib,cadan iyo madow ah)..naagihi somaliyed oo cirka isku shareere qaalnimo.darted........dalkii hoyo oo naqashadiisa dhib badatay iyo walxo badan..kuwa xaarana iskaaga fulana waa buxaan oo cadi kadhigtay sida girl friend iyo boy friend..

    ReplyDelete
  2. Anonymous2/26/2011

    Hablihi soomaaliyeed waxa ku dhacey qiimo dhac weyn xaqiiqdii waxa la dhihi kara wakhtiga xun aya wata iyo ayaga anan rabin nin dan yar ah.
    Kuwoda ladan ama wax haysta xata way is macashiyan sidaasna ayana gabal baas ugu dhaca oo ay ku guumaysooban ama intay is waalan ayay garoob noqda hadhown ka bixi wayan SINGLE MOTHER tA .

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post