Magacyada afka soomaaliga ka midka ah ee dumarka u gaarka

Magacyada ugaarka ah dumarka iyo wixii dhaddig ahee kale waxa badankoodu ku dhammaadaa sidatan:  -san, leey, -an, -o, -la.  Waxa ayna tusaale ahaan u soo qaadan karnaa kuwan hoos ku qoran:
toos-an, hagaag-san, qumman, suubban, sheeggan, hoodo, tol-san, hayb-san, weedhsan, wacan, israacsan, dhalsan, qurux-leey, tol-leey, hayb-leey, issir-leey, hooda-leey, filsan, qumman, tusmo, shacni, warsan, baxsan, muug-san, riyaaq, wanaag, bilicsan, bilic-leey, qurxoon, baxaalli, iska´adag.
is-hubto, tala-san, tashato, dhaqato, dhaqan, xalan, hawraarsan, dadaal-leey, kartiileey, awood-leey, bidhaanto, nasiso, dejiso, kobsan, samaleey, samaan-leey, wanaag-leey, nabdoon, nabad, nabad-leey, bariido, xaddiyo, deeq. deeqdo, deeq-leey, ubad-leey, taranto, taran-leey, tusan, tu-roon.
taliso, majariso, go´aan-leey, sed-leey, is-dirto, tala-leey, arrimiso, dal-leey, carra-leey, geyaan, geyaan-san, geyaan-leey, dhif, hanad, reer-san, reer-wacan, guriileey, gurisan, guursan, whelsan, wehel-leey, loo-boga, taya-leey, agab-leey, wax-tara, qor-qoran, qiil-leey, sama-hela, wanaag-hela.
hooda-hela, hufan, maamuus, geyaan-hela, guul-hela, lib-hela, libin-hela, guul-leey, libin-leey, lib-leey, guulaysato, libaysato, liibaan, liibaanto.
gashaanti, guudad-leey, gacal, gaasira, korto, sarrayso, korrayso, kun-karoon, dhaqan-san, hidda-san, bila, bile-bila, nin-bila, geyaan-bila, bilaambila, fil-karoon, fac-karoon, shan-karoon, dhaanto, firroon, mayran, maydhan, hiil-hela, hiil-hesho, guul-hesho, libin-hesho, taabto, tabantaabo.
hiil-leey, hiiliso, tamar-leey, taag-badan, tamar-badan, kartiileey, xulan, miidhan, miiran, ballan-leey, ballan-san, wiil-leey, wiilal-leey, ma-gabto, itaal-badan, naruuro, iskobiso, dhawrsan, iftiinto, hillaac, arag-san, eeddo, garsan, garsoorto, garsoora, cawo, cawa-leey.
Mmagacyadaas iyo kuwa kale oo badan oo aan hayo, oo tilmaamaya hodonnimada iyo murti badnaanta afkeenna ayaa ah kuwa sii lumaya oo sii baaba’aya, maxaayeelay waxa sii yaraanaya, amase haddan joogsadey bixintii gabdhaha dhasha loo bixin jirey magac kamid ah.
Waxana yaraaday bixintii wixii dhaddig ah ee kale loola bixi jirey. Waxa magacyadaas kaalintoodii galay oo ay dadka soomaalida ahi ka doorbidaan magacya shisheeyaha oo ay badanaaba si qalqalloocan oo lagu qoslo u yeedhiyaan oo u qoraan, oo badan kooda ay sansaanaha is dhaafiyaan, sida magaca nimco, oo ay ujeedaan nicmo.
Waxana aanay dadkaas heli karaan in magaca kaas u dhigmaa oo afsoomaal ahi sida Hoodo iyo Cawo. Magacyada carbeed ee ay haaatan soomaalidu iskaga dhababto oo ay aqoon darradu ugeynayso, maaha magacya dadka carabta ahee muslimka ah ugaar ah, ee waa magacya ay labaxaan xataa dadka kale ee aan ahayn carabta saxa ahi.
Haddii ay soomaalidu aqoon xumaadaas ku siiwaddo oo ay ku dbaba lumaan umadaha kale ee aan qadarin, waxa hubaal ah inay noqon doonaan sidii tukihii socod kiisiina ka tegey, kii daawuuskana garan waayey. Horena waxa looyidhi,”aqoon xumo waa qalaad jacayl.
Soomaaliyeey toosa oo afkiinna iyo haybtiinna dhawrta, idinka oo diintiinna watta, dadka kalena wax la qabsada, hadii ay idinku soo xad gubaana dhacsada xaqiina.
Halyey Layaqaan
hadhwanaag.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post