Maalinta afka hooyo

Munaasibad aad u  weyn oo lagu xusayay maalinta Afka Hooyo ayaa 19 bishan Febraayo lagu qabtay magaalada Stockholm ee waddanka Sweden. Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaa soo qabanqaabiyay Naadiga Akhristayaasha Stockholm.
Xafladdan  oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badani waxaa ugu horayn madasha ka hadlay  Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar), oo ah isu-duwaha Naadiga Akhristayaasha Stockholm. Muuse waxa uu  warbixin kooban ka bixiyay hawlaha uu naadigu qabtay muddadii uu jiray iyo waliba waxyaabaha ay hiigsanayaan. Intaa kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay  Marwo Alma Adam oo ka socotay ururka dhaqanka ee Hadraawi. Alma waxa ay aad uga hadashay qiimaha uu akhrisku leeyahay  iyo sida loogu baahan yahay in dadka loogu baraarujiyo.
Ingrid oo ka socotay maktabadda xaafadda Rinkeby ee magaaladda Stockholm oo iyaduna madasha marti ku ahayd  ayaa waxay ku dheeraatay faa’iidada uu akhrisku leeyahay, waxa kale oo ay dadweynihii xafladda ka soo qayb galay ugu bushaaraysay inay maktabada Rinkeby u hayso barnaamijyo waxbarasho oo tayo leh. Intaa kadib waxaa makrafoonka lagu soo dhaweeyay Sayid Maxamed Yusuf oo ah Guddoomiyaha ururka Qoraaga Somaliland. Sayid waxa uu aad ugu dheeraaday taariikhda Afka Soomaaliga iyo waayihii uu Afku soo maray.
Waxa kale oo madasha lagu daahfuray buug dhawaan soo baxay  oo ka hadlaya taariikhda afka iyo bulshadda soomaalida oo uu qoray qoraaga weyn ee Cabdalla Cumar Mansuur. Buuggan oo ahaa mid dadweynihii xafladda ka soo qayb galay aad ula dhaceen ayaa waxaa madasha  si wada jira ha uga soo jeediyay qorayaasha  Yuusuf  X. Cabdilaahi ( Sheekhal Casri ) iyo  Xasan Cabdi Madar oo si  weyn u qaadaa dhigay cilmiga ku duugan buuggan.
Waxa kale oo  casharo afka soomaaliga ku saabsan xafladda ka soo jeediyay qorayaal ay ka mid ahaayeen,  Cumar Xaaji Bile  iyo Axmed Cabdillaahi Cawaale.
Muuse Maxamuud Ciise
Ladaneey Magazine
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post