Facebook gabdho badan ayuu cuntada ka xiray

Facebook gabdho badan ayuu cuntada ka xiray
Ma aaminsan tahay in xariir uu ka dhaxeeyo in raashiinka aad qaadan weyso iyo adeegsiga Facebooka, iyadoo arimo badan oo amateetka kaa xiraya ay jiraan balse waxaa cadaatay in gabdhaha waqtiga badan facebook-ka ku jira in ay halis ugu jiraan halisyo ah in cunnno aysan qaadan karin sida dadka xanuunsan ay uga xiranto cunno qaadashada .
baaritaan ay sameeyeen quburo ka tirsan jaamacada Xayfa ayaa lagu sheegay in gabadhaha da`dooda u dhaxeyso 12-ilaa 19-sano yihiin kuwa sida gaarka ah ugu nugul in ay ku adkaato in cunnada ay qaataan maadaama waqti badan ay giliyeen isticmaalka bartaas facebook.
Waxa ay qubarada ku taliyeen in ay muhiim tahay in la yareeyo waqtiyada lagu jiro facebooka , waxa ayna tani soo baxeysa xilli London laga furay cisbitaal lagu daweeyo dadka ku waalan isticmaalka internet-ka , waan cisbitaalkii ugu horeeyay ee laga furo dinida.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post