U gaar Ah Dumarka:Qodobadaan Raac Waad Ku Guuleysaneysa Nolosha Qoyska


WAXAAN RABAA IN AAN HALAKAN KU SOO KOBO MAQAALKAAN ,OO AAN ISLEEYAHAY WAX BADAN AYUU KA TARAYAA NOOLSHA HAWEENKA SOOMAALIYEED,IYO HORMARINTA QOYSKA ,WAAYO HAWEEN BADAN AYAA KU FASHILMAY ,ARINKA GURIGA IYO NOOLASHA QAALIGA AH EE GUURKA ,WUXUUNA KA KOOBANYAHAY 50 QODOB:-
1-in qaadato awaamirta ilaahi iyo waajibaadka alle saaray,iy daacada rasuulka scw.
2- in aysan ka bixin guriga ninkeeda uu aan u idmin.
3-in ay ahaato mid u dhoola cadysa ninkeeda.
4-markay wax waydiisanaysa ninkeeda waa in ay doorataa waqtiga ku haboon,adeegsataana kalmada wanaagsan oo soo jiida ninkeeda.
5-in ay tahay mid ku sifowday akhlaaq wanaag.
6-in ay tahay mid ku sabarta haduu ninkeeda sabool yahay,kana mahad celisa haduu yahay ninkeeda hantiile.
7-in ay tahay mid jecel khayrka oo faafisa wanaaga.
8-in ay tahay runley oo ay ka fogtahay beenta.
9-in ay tahay mid ku barbaarisa ilmaheeda ,tarbiyada islaamka,bartana caruurteeda ixtiraamka aabahood iyo dadka waa wayn.
10-in ay tahay mid ka fog carada iyo xanaaqa faraha badan.
11-in ay tahay mid tawaaduc badan oo ka fog kibir iyo istus tus iyo faan.
12-in ay tahay mid la timaada cibaadada alle ku fardyeelay.
13-in ay tahay mid alle xusta hadi iyo jeer oo carabkeeda uu ka qoyanyahay xuska ilaahay.
14-in ay ka dalbataa ninkeeda waxa uu awoodo ,oo aysan saarin culays uusan awoodin.
15-in aysan ku kadsoomin quruxdeeda,dhalinyara nimadeeda,iyo aqoonteeda,oo ay ogaataa in waxaa soo dhan ay tagayaan.
16-in ay qaadata awaamirta nikeeda waxa aan ahayn macsi ilaahay.
17-in ay tahay mid ku can baxday xishood.
18-in ay taqaano waxa uu ka helo ninkeeda xaga cuntada .
19-in ay tahay mid qarisa sirta ninkeeda ,maadama ay tahay maradisii.
20-in ay tahay mid waqtigeeda ka faaidaysato,oo aan ku mashquulin ,habar heblo ayaa tiri,iyo wax aan micna lahayn.
21-in ay tahay mid aad uga danbayso ninkeeda iyo raâyigiisa xushmaysa.
22-in ay tahay mid aad u hagaajisa muuqaalka guud ee ninkeeda ,xaga dharka ,nadaafada,walxaha udga,in la dareemo in uu ninkaan ayahay nin qabo raaliyo,oo uu ahaado mid taagan hadiyo jeeraale.
23-in ay ahaado mid dabka u gasho ninkeeda oo aan ku halayn ,shaqaalaha iyo dad kale ee raashiinkiisa ka fikirta,maxaa yeelay naaga badan ayaa ,u daayay cuntadii ninkeeda shaqaalaha,taasina waxaa ku dhumaysa masâuuliyaddii haweenayda.
24-in ay tahay mid haagisa la dhaqanka ninkeeda ,iyo dadka kale.
25-in ay tahay mid aan qaadan dharka ugu qaalisan ,ee ay tahay mid qaadata dharka dabaqada dhexe,xaga labiska.
26-in ay tahay mid kala qaybqaadato ninkeeda xaga hagaajinta qoyska iyo hormarkiisa,oo ay noqoto (kabto oo aysan noqon kala tuurta)
27-in ay taqaano ninkeeda dabeecadihiisa marka uu faraxsanyahay ,marka uu xanaqsanyahay.
28-in ay tahay mid la taliso ninkeeda ,ninkana waa in uu qaato talada duca qabtadiisa,sababtoo ah nabiga nabadgalo iyo naxariis dushiisa allaha yeelee wuxuu ahaa mid haweenkiisa la tashada.
29-in ay tahay mid xushmaysa ninkeeda dhan kaste.
30-in ay ku tiraahdo ninkeeda erayo aad u soo jiito sida (macaane ,naftaydii,indhahaygii,gacaliye,)maxaa yeelay eraydaas macaan waxay wax ka taraysaa hanashada haweenayda qalbiga ninkeeda.
31-in ay tahay mid ninkeeda isu qurxisa isu udgisa.
32-in tahay mid nadiifisa jirkeeda ,ee aan ahayn araajo.
33-haduu ninkeeda fiiriyo waa in uu ku farxaa.
34-waa in ay tahay mid caqli badan ,dagan.
35-waa in ay tahay mid aan nikeeda canaan ,aan qaylo badnayn.
36-waa in ay tahay mid kala qarisa ninkeeda iyo reerkeeda.
37-waa in tahay mid guregeeda isbuucba dhinac u jeedisa.
38-waa in ay tahay mid ka fikirta ninkeeda haduu soo daaho.
39-waa in ay tahay haweenayda mid aan masayr badnayn.
40-waa in ay tahay mid ninkeeda markuu yimaado ,mid labiska ka siibto.
41-waa in tahay mid xushmayso qaraabada ninka ,gaarâaan hooyada ninka.
42-waa in aysan gurigiisa galin cid uusan u idmin.
43-waa in ay tahay mid jecelmartida ninka uu wato.
44-waa in ay tahay mid uu ninkeeda ku nasto,oo aan guryan badnayn,waayo nin jiifka lagu cunay meel ma gaaro.
45-waa in ay tahay mid hadiyojeer dhunkata ninkeeda.
46-waa in ay tahay mid an ku qabsan ninkeeda magic u bixinta caruurta dhalata.
47-waa in ay tahay mid faanisa ninkeeda,oo jecel hormarkiisa.
48-waa in ay tahay mid u ah cudud ninkeeda ,oo ay tahay qof fir fircoon.
49-in ay tahay mid aad u danaysa jiifka ninkeeda iyo meesha uu seexanayo,oo aysan noqon daysane caruurta dhexdooda ,sida naagaha soomaliyeed u badan yihiin.
50-waa in ay tahay mid og in uu ninka yahay caruur saan wayn ,o u baahanyahay koolkoolin iyo sasabid fara badan.
Intaas waxaan ku soo koobay shuruudaha haweenayda ku guulaysatay noolasheeda,
FG:hadaba manta dumarkeena ma leeyihiin shuruudahaas ,mase ka firkteen gabdhow in aad higsataan shuruudahaas ,si aad u noqotaan kuwa ku guulaystay noolasha,gabdho badana ,waxay ku guuldaraysteen noolashaas.
NB-wixii dhaliil ah iyo sixid waxaan u ahay diyaar.
WQ-Xuseen Buule axmed
Email-xusen2000@hotmail.com

3 Comments

  1. waa arin sharaf ah mar haday jiraan hablo dareensan arimahan waad mahadsantiin

    ReplyDelete
  2. Anonymous3/02/2011

    intaa tii ahlu jano ah unbaa samayn karto, iminka waxaa ay noqdeen haweenkeenii kuwa ku tartamo sidii ay ninka meel isaga saari lahaayeen oo tartan ula geli lahaayeen, badankoodii kishmiirka hindiya iyo pakistan bay u bateen, eebow too raaliyo ah.

    ReplyDelete
  3. markii ninka wanaag laga helo unbaa loo suubinayaa arinahaan.
    ninka asagaba raba inuu xaskiisa canaado abuse gareynaya had iyo jeeraal an la rabin hor mar sidiibaa loogu yeelaa arimahan kow ha shaqeystan sidii arimahan xaaskoda ey ugu heli lahaayen.
    waxaa kaloo dhahday magac u bixida yey la qabsan abaha markuu cunug dhashto.....
    ma cunug kastoo dhashta ayuu magax u bixinaya dabadeed hadli mayo oo maxan sagaal bilod sugeda caloosha ugu waday hadaan hal ka mid ah aan magac ula bixi karin.
    nimanka noocaas ahna reer baadiyanimadii hore ayey ka danbeyan hadaan runta ka hadlo.
    nimanka soomaliyedna aad iyo aad bey xaga qoyska ugu liitaan allaha fahansiiyo xaqa.
    waxa laga yaabaa hooyo 7 caruur ka badan dhashay oo aa abaha waligis cunug ka mid ah aan dhabta ku qaban iska daa inuu ciyaarsiyee.
    imosa hooyoyinka badankood oo ayadoo uur leh anfac fiican aan ninka ku heysan jigada ubgaleysa ayadoo xaamilo ah hadana laad iyo feer ugu daraya horta nimanka soomaalida hadeyna is badalin qoys dhaaxa bur bur badan wuu ku soo socdaa ee idinka xuquuqdina ha u doosinee hooyada miskiinta ah oo badiya fadhida oo ayadoo uur leh berta falaysa odiga qabana uu laaad u ku jiro iyo hadal xumid iyo caytin joogta ah taas xuquuqdeda usoo dhiciya
    wabilahi tawfiiw.......

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post