Afhayeenka baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa iska fogeeyay eedeyn uu u jeediyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Axmed Dhimbil Casoowe, taasoo ahayd inuu la wareegay awooddii xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.
Shariif Xasan oo la hadlayay Radio Muqdisho oo ah idaacad ku hadasha afka DKMG ah ayaa sheegay inuusan faragelin ku hayn howlaha xukuumadda KMG ah, wuxuuna eedeyntaasna ku tilmaamay aragti u gaar ah ku xigeenkiisa.
"Waxaan u maleynayaa inaan la i arag anigoo wasiir magacaabaya ama garaaddo siinaya ciidamada, aniguna wax faragelin ah kuma hayo xukuumadda, runtiina wax way qabatay wixii ay qaban waydayna iyada ayay u talllaa, balse anigu faragelin kuma hayo," ayuu yiri Shariif Xasan.
Guddoomiyaha baarlaamanka ayaa difaacay sharciyadda guddiyo dhowr ah oo uu horay magcaabay, kuwaasoo uu ku jiro guddiga doorashada, isagoo sheegay inuu xaq u siinayo dastuurka magacaabidda guddiyadan haddii loo baahdo.
"Sharcigu ma ahan mid ku saleysan fikir ee waa go'aan cad oo la gaaray, waxaana ii banneynaya inaan magacaabo guddiyadan qodobka 18-aad ee xeer hoosaadka oo ka yimid dastuurka dalka u dagsan, waana qodob awood u siinaya guddoomiye kasta oo baarlamaan inuu guddiyadan magacaabo ee aniga keliya ma ahan," ayuu yiri Sharif Xasan.
Mar wax laga weydiiyay afhayeenka baarlamaanka qorsheynayo inuu isku taago xilka madaxweynemnimada Soomaaliya ayaa wuxuu ku gaabsaday inuusan xilligan ka hadlayn, balse markii la gaaro uu ka hadli doono.
Sidoo kale, mar uu ka hadlay ka hadlay doorasho ka dhacda dalka ayuu sheegay inay sharaf u u tahay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in hadallada ah in aan dalka lagu qaban karin doorasho la joojiyo, lana ogaado in doorashadu aysan ahayn mid shacabku wax dooranayaan balse ay tahay mid uu baarlamaanku maalin ku dooran karo hoggaanka dalka.
Ugu dambeyn, Shariif Xasan wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii nabad lagu heli lahaa, isagoo ku baaqay in shacabka looga fadhiyo inay iscafiyaan oo ay ku dadaalaan iyagoo gacmaha ishaysta sidii ay xasilloonida dalkooda u soo ceshan lahaayeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online