Maxay tahay sababta ay dumarku u yiraahdaan ragga i fur?

Adduunkaani aanu ku nool-nahay Alle wuxuu ugu talla galay lab iyo dhidig oo lamaane ah, iyadoo lamaanahaasi ay qeyb ka yihiin bili’aadamka iyo jinigaba, oo uu Alle ugu talla galay in ay caabudaan, sida uu ku xusay Qur’aanka.
Hadaba dumarka ayaa waxay inta badan qaati ka taagan yihiin ragga, iyagoo ku eedeeya inay ka gaabiyaan wacadkii iyo wanaagii u dhaxeeyay, islamarkaana waxay taasi kayntaa in uu burburo qoyskaasi.
Dumarka inta badan ka sheegta dacwada ragga qaba, ayaa waxaa ka mid ah haweenka soomaaliyeed oo inta badan ragga ku eedeeya inay yihiin kuwo ka dhacsan nolosha, isla-markaana burburiya wacadkii iyo balantii u dhaxeysay.
Waxaa su’aal isweydiin mudan ah marka ay isqabtaan lamaane isqaba, maxay dumarka u yiraahdaan “i fur” waa su’aal aad u culus, isla-markaana rag fara-badan oo khabiiro ah ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay, walow ay inta badan dhinac mareen jawaabta saxda ah.
Waxa xaqiiqa ah inay haweeneydu jaceshahay ninkeeda, isla-markaana ay aad u neceb tahay in la-furo laakiin sababaha ay u tiraahdo i fur ayaa waxaa la-sheegay inay yihiin, haweeneyda oo aan awood laheyn oo ay ku dooneysa inuu saygeedu iska badalo dhaqanka xun ee uu la soo baxay guurka kadib. Shalay waxa uu dhihi jiray waan ku jeclahay, waan ku doonaayaa, wax walba waan kuu sameyn karaa, hadaba maxay tahay sababaha keenay marka uu guursado muddo kadib inuu ka gaabiyo wax yaabihii uu shalay u balan qaaday in uu u sameyn doono.
Waxa kale oo ka mid ah sababaha ay dumarku furiinka u dalbadaan canaan iyo handadaad ay raggooda ugu digayaan oo ay ku doonaayaan inay iska badalaan dabeecadaha xun ee guurka kadib lasoo baxaan.
Su’aasha kale ee isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, ragga marka hore ay dumarka la-sheekeysanaayaan ayaa waxay sheegaan inay u sameyn doonaan wax walba oo ay ka dooneyso haddii uu Alle calaf iskugu daro sida ayaga oo jikada la-gelli doona, caruurta la xanaaneyn doonaan. Hase ahaatee marka uu Alle calaf iskugu daro, muddo kadib ayuu culeyska waxa uu ka yimaadaa dhanka ragga, taa oo ka mid noqotay dabeecadaha u gaarka ah ragga soomaaliyeed.
Xasan Cade
dhacdo.com

1 Comments

  1. Anonymous7/02/2011

    xasan cadow adiga iyo dumarku xawayaano maad tihiin? markaad iswaydinaysan waxa ragu ugu samayn la`yahay dumarkooda wax kasta? war ilaahbaa samayn kara wax kasta meshaan waa aduunyo oo qof kasta tiisii la daalaa dhacaayo, ee labadii dan isugu jirto hawada noolaadan labadii dhib isku ahna ha kala nafiseen ama ha isu dulqaateen

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post