Askar ka tirsan ciidanka Puntland oo lagu laayay weerar gaadmo ah oo ka dhacay Gal-Gala iyo dowladda oo ka hadashay

Shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga Puntland ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo saaka aroortii lagu qaaday degmada Gal-Gala ee xarunta gobolka Bari sida laga soo xigtay dadka deegaankaasi.
Dhaawaca ayaa la sheegay in uu gaarayo afar ka tirsan ciidanka, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Puntland laga gubay mid kamid ah gaadiidka dagaalka ,iyadoo weerarkaasi uu ahaa mid khasaare badan gaystay.
Wasiirka amniga Puntland Yuusuf Axmed Khayr oo shir ku qabtay madaxtooyada ayaa sheegay in khasaaraha ciidanka gaaray uu in badan ka yaryahay kan gaaray kooxihii ay wada dagaallameen.
"Ciidanka waxaa soo weeraray firxadkii Gal-Gala laga sifeeyay ,waxaana aan ka dilnay 21-ruux oo aan maydkooda soo bandhigi doonno "ayuu yiri wasiirka amniga oo weerarkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid Alshabaab ay ka danbaysay.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in iminka degmada Gal-Gala ay gacanta ku hayaan ciidamada amniga Puntland ,isagoo intaa ku daray in ay sii wadi doonaan howlagallada looga soo horjeedo kooxaha weerarka soo qaaday sida uu sheegay.
"Weerarka waxaa uu ahaa mid aysan ciidanku iska jirin ,balse dowladda waxa ay damacsantahay in ay kordhiso ciidamada ka jooga Gal-Gala si looga digtoonaado weerarro kale oo dhaca "ayuu mar kale yiri wasiirka oo ay ka muuqatay in uu aad uga xunyahay arinta dhacday.
Mar wasiirka waxa laga waydiiyay shir maanta ay wada qaateen laamaha amniga dowladda iyo madaxwaynaha ayuu sheegay in uu ahaa mid looga wada hadlay sidii loo soo afmeeri lahaa falalka amni xumada looga soo horjeedo.
Weerarkan lagu laayay ciidamada amniga Puntland ayaa imaanaya, iyadoo ay maalmihii ugu danbeeyay socdeen howlgallo lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka ,waxaana tani ay cadaynaysaa inuusan wali dhamaan dagaalkii Gal-Gala.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post