Xildhibaannadii guddiga doorashooyinka ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalin ka hor ay xukuumadda KMG ah u diidday inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa maanta ka dhoofay halkaas.
Afhayeenka guddigan Xareed Xasan Cali oo saxaafadda la hadlay ka hor intii aysan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay inay u socdaan dalka Kenya halkaasoo ay uga soo qaybgalayaan siminaar socon doona muddo afar casho ah, kaasoo ku saabsan doorashooyinka.
"Go'aankii horay nalooga joojiyay inaan ka dhoofno garoonka diyaaradaha wuxuu ahaa khalad, waana lagu xisaabtami doonaan, inkastoo aanan doonayn inaan cid gaar ah eed dusha kaga tuuro haddana ciddii sheegatay ayaa mas'uul ka ah," ayuu yiri mudane xildhibaan Xareed.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee DKMG ah ayaa mudanayaashan Isniintii toddobaadkan looga joojiyay inay garoonka Muqdihso ka dhoofaaan. kaddib markii la sheegay in guddigan uusan ahayn mid la aqoonsan yahay oo laga ansixiyay baarlamaanka.
Mudanayaasha maanta dhoofay ayaa qaarkood waxay ka hadleen is-hortaaggii lagu sameeyay dhawaan, iyagoo sheegay inuu ahaa go'aan laga fiirsan oo xadgudub ku ah xildhibaannada baarlamaanka, waxayna xuseen in go'aankoodu yahay inay dalka ka hirgeliyaan doorasho.
Dhoofitaankooda guddiga doorashooyinka baarlaamanka ayaa wuxuu waji-gabax ku yahay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo horay isugu dayday inay horistaagto, iyadoo Mareykanku uu cambaareeyay tallaabadaas, wax jawaab ah aysan DKMG ah weli ka bixin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online