Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaal kooban oo ciidamada DKMG ah oo kaashanaya ciidanka AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray xaafado ka tisran degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa yimid markii xoogagga Al-Shabaab ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay ciidamad dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kaga sugan yihiin degmadaas, iyadoo tiro kale oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen rasaasta iyo madaafiicda ay dhinacyadu is-dhaafsanayeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalladu ay ahaayeen kuwo muddo kooban socday ayna arkeen dhimashada iyo dhaawacyada dad rayid ah, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac ee dagaalamay kala gaaray.
Holwadeennada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay inay qaadeen dhaawacyada illaa shan qof oo shacab ah oo ayna geeyeen isbitaallada Muqdisho si loo daweeyo.
Dagaalkan ayaa imaanaya xilli ay maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ahayd goob nabadoon oo aanay wax dagaallo ah ka dhicin, iyadoo sidoo kale aysan wax saameyn ah ku yeelan dagaalladan howlaha suuqa weyn ee Bakaaraha.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2009 ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo kuwa kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogagga Xarrakatul shabaabul Mujaahidiin oo inta badan magaalada gacanta ku haysa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online