Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo saakay laga qaxayo kaddib Markii xalay lagu weeraray madaafiic

Degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxay dadkii ku noolaa billaabeen saakay isaga barakacaan, kaddib markii xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay xaaly ku duqeeyay degmadaas madaafiic.
Inkastoo duqeymahan aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, ayaa haddana waxaa la arkayay barakac ay dadka degmadaas bilaabeen, iyagoo sheegaya inay ka baqdin qabaan inay dagaallo iyo duqeymo dhacaan.
"Madaafiic hoobiyeyaal ayaa xalay kusoo dhacay degmada, ma jirto cid ay dhibaato u geysteen, dadkuna waxay bilaabeen inay baqdin awgeed uga barakacaan," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Garbahaare oo saxaafadda la hadlay saakay.
Goobjoogahan ayaa sheegay in dhowr madfac ay ku dhaceen gudaha degmada, halka kuwo kalena ay ku dhaceen saldhig ay ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlusunna ku leeyihiin duleedka degmadaas.
Degmada Garbahaarey ayaa waxaa bishii la wareegay gacan ku haynteeda xoogag taabacsan DKMG ah iyo Ahlusunna markii ay isaga baxeen xoogaggii Xarrakatul Shababa ee ka talinayay, waxaana bishan horraanteedii ka dhacay dagaallo aad u culus oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Xarrakada Al-shabaab ayaa isku dayaysa inay dib uga qabsato ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna ee iskaashanaya degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo bilihii lasoo dhaafay qaarkood looga qabsaday dagaal, halka kuwo kalena ay isaga baxeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post