Dowladda KMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo culus oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku dhexmaray Muqdisho, iyadoo koox walba ay sheegatay inay khasaare u geystay dhinaca kale.
Abaanduulaha ciidamada milateriga DKMG ah Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegtay inay weerarro ku qaadeen fariisimo ay Xarrakatul Shabaab kaga sugnayd degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayna ku dhawaadeen suuqa Bakaaraha.
"Ciidamada xooggu waxay dhantaaleen awooddii ciidan ee Al-shabaab, waxayna ku dhawaadeen suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn Muqdisho horay ayayna u sii soconayaan," ayuu yiri Jen. Dhego-badan.
Sidoo kale abaanduuluhu, wuxuu sheegay in go'aankoodu uu yahay inay sida ugu dhaqsiya badan ku qabsadaan Muqdisho, wuxuuna ku faanay inay ciidamo badan ka dileen Xarakatul Shabaab.
Dhanka kale, afhayeenka Xarakatul Shabaab ee dhinaca ciidamada Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa daboolka ka qaaday inay iska caabiyeen weerarro ay kusoo qaadeen ciidamada DKMG ah iyo AMISOM, isagoo sheegay inay khasaare badan u geysteen.
Afhayeenku, wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaal habeen hore ka dhacay duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo sheegay inay weerareen laba saldhig ayna dileen saddex askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ayna dhaawacmeen tiro kale.
Dagaalladii xoogganaa ee ka dhacayay Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada dad ka badan 25-qof oo isugu jira dhinacyadii uu hardanku u dhexeeyay iyo shacab, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, iyagoo saameyn ku yeeshay ganacsiga suuqa Bakaaraha iyo waddo yar oo loo mari jiray.
Xaaladda ayaa saakay daggan, iyadoo mararka qaarkood goobihii ay dagaalladu ka dhaceen laga maqlayo rasaas goos-goos ah oo ay isweydaarsanayaan dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online