Hay'adda WFP oo xaqiijiysay in darawal u shaqeynayay uu nin hubeysani ku dilay deegaanka Soomaalida Itoobiya

Hay'adda WFP ayaa xaqiijisay maanta oo Axad ah in darawal u shaqeynayay lagu dilay deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, kaddib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday gaari uu waday, iyadoo ruux kale oo shaqaale ahna la dhaawacay.
Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxaa tan iyo sannadkii 1984-kii ay kula dagaalamaysay Jabhadda xoreynta Ogaadeenya (ONLF) xukuumadda Itoobiya, iyadoo garab ka mid ah kooxdan uu sannadkii lasoo dhaafay heshiis la saxiixday dowladda Itoobiya.
"Faarax Hamsa oo ahaa darawal WFP ayaa kooxo hubeysan oo aan la garanayn waxay ku dileen weerar gaadmo ah 13-kii bishan deegaanka Soomaalida Itoobiya," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay hay'adda WFP.
"Ruux kale oo WFP u shaqeynayay ayaa isaugna lagu dhaawacay weerarkaas, laba kalena waa la la'yahay," ayay hay'addu sidoo kale ku sheegay warsaxaafadeedka ay soo saartay.
Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa waxaa ka shaqeeya hay'adaha gargaarka ee Qarammada Midoobay iyo kuwo madaxbannaan, kuwaasoo dadka deegaankaas ku nool gacan-siiya.
Jabhadda ONLF ayaa weerar gaadmo ah ku qaadday ciidamo Itoobiyaan ah oo ilaalinayay shirkad kuwa shidaalka qoda ah oo dalka Shiinaha ka howlgasha sanadkii 2007 iyagoo dilay 74 ruux oo u badan ciidamada Itoobiya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post