Hal habeen uur ma ku yeelankaraa


Intabadan aqristayaasheena ayaa nasoo weydiiya su’aalo aad u farabadan balse waxaan jawaab u raadinaa mida aan isleenahay dadbadan ayaa isweydiinkara si halmar ay ugawada faaideystaan dhamaan aqritayaasha ay su’aashaasi maskaxdooda ku jirto. hadaba su asha ayaa ah hal habeen oo qura gabadhu uur ma ku qaadi kartaa?
Jawaabta su aashaasi ayaa si kooban ku noqoneysa HAA, oo iska daa hal habeen oo dhane hal galmo oo qura ayeey gabadhu Uur ku qaadi kartaa hadiiba ilaahey siiyo.
Arintaasi in kastoo ay tahay mid ilaahey sababo hadan waxaa dhaqaatiirtu sheegaan in ay u sababtahay Labada qof jirkooda oo xiligaasi u diyarsan Falgal iyo minka gabadha oo isna diyar ah.
Labada shahwo oo halmar isla falgala waa mida ay arintaasu ku dhacdo sida ilaaheyba qur’aankiisa noogu sheegay (إِنَّا خَلَقْنَا الإِنسَانَ مِنْ نُطْفَةٍ أَمْشَاجٍ) oo macneheedu yahay Biniaadanka waxaan ka abuurnay Candhuuf isku darsan oo ah Biyaha Hooyada iyo aabaha oo isku darsama kadibna ay ilmuhu ka abuurmaan.
Marka Ama habeen ha ahaato ama maalin ha ahaato ama daqiiqad ha ahaatee marba hadii labadaas biyo ay isla falgalaan ilaaheyna qadaro in ilamo ay noqdaan hooyadaasi Uur ayeey qaadeysaa.
Su’aasha kale oo ah sideen ugu dadaali karaa in hal habeen aan uur ku yeesho,? Jawaabteeda ayaa noqoneysa bi niaadamka dhan ayaa dadaal laga rabaa marka ay wax rabaan balse fulinta howshaasi illaahey ayaa ku shaqaleh. waxaa jira dhaqaatirta qaar ku talinaya in xiliga hooyadu caadada ka qubeysato uu minku diyar u noqonayo biyaha ninka waxaase lagu siitaliyaa in maalinta ay ka qubeysato sadex ay katirsato taasoo un iska ah dadaal balse aan lahubin.
Sidoo kale waxaa iyana lagu taliyaa in raaxada laga hormariyo galmada si jirka labad qof u diyar garoobo halmarna biyuhu iskula jaan qaadaan.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post