Isticmaalka Kaniiniga xoojiya Galmada in dhagaha maqalkooda hoos udhigo

Tan iyo markuu soobaxay Kaniiniga xoojiya galmada dadka tabarta daran ee Viagra ayaa waxaa soobaxayay culeys xaga dhagaha ama maqalka ah oo kuyimaadda raga isticmaala kaniinigaasi.
Islamarkii ay soobaxeen astaamahaasi muujinaya in saameyntaasi uu leeyahay kaniinigaasi ayaa waxaa hey’adaha caafimaadka ee dalka mareykanka ayaa bilaabay in dadka ay kaga digaan in ay isticmaalaan kaniinigaasi iyo waxyaabaha lamid ah.
Waa Maxay Viagra ?
Viagra waa kaniini xoog u yeela xubinta taranka raga si uu u awoodo galmo xoogleh , intabadan waxaa isticmaala dadka xooga xaga da’da ku hormaray si ay awood u siiso.
Viagra waa u halis mararka qaarkiis ninka shalinyarada ah ee ku cusub galmada waxaan suura gal ah in uu wadno garaac ka dhaxlo gabadhuna ay ku dhibtooto howshii larabay in lagu raaxeysto.
Soomaali badan ayaa isticmaasha kaniinigaani iyaga oo awoodoodu ay xoogantahay balse u cuna in xaasaskoodu aysan wax kasheegin galmadooda taasoo dhibaato badan u keeni karta xaaska, halka qaar xaasaskaasi kamid ahna ayba ragooda kula taliyaan isticmaalka kaniinigaasi.
Sideed dareemaysaa markaad cunto.
Kaniinigaani waxaa uu kiciyaa murqaha xubinta taranka ee ninka waxaana uu hakiyaa dhiigii wareegi lahaa ee xubintaasi taaso xubinta kadhigta mid ista taagan oo aan damin mudo markaasna ninku mudo dheer ayuu galmada wadi karaa, intadan xubinta oo qura ayaa iska taagnaanaysa oo xitaa shahwadu sooma baxayso mudadaasi.
Raga qaar markii ay isticmaalaan dumarka ayaa ku dhibtooda waayo xitaa hadii dumarku raaxo bogtaan isagu waa uu siisoconayaa taasoo mararka qaar raaxo jabis noqota.
Sihaam Cali Nuur
sihaamcali3@hotmail.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post