Sidee wajigaaga uga ilaalin laheyd jactadka?

Raaxada guurka waxa ay idiin soo bandhigeysaa hab fiica ii aad wajigaada uga ilaalin karto jactadka.
haddaba haddad qodobada qaatadato ayaa dadka ku xeeldheer qurxinta waxa ay leeyihiin waxaa macquul ah inaadan dhaqso ku duqoobin.

Casiirka tufaaxa (Apple juice)

Tufaax ka samee casiir kaligii, kadibna wajiga marso wuxuu siiyaa wajiga nafaqo dabiici ah. Aroortii iyo habeenkii

Avocado

Avocado-da oo aad cunto waxaad ka helaysaa vitamin (A) wajiga oo aad saaro kadib markaad burburiso. Waxaad ka helaysaa faa’iido badan.

Baqduunis (Parsley)

4 xidhmo oo baqduunis ah waxaad ku dartaa 1litir oo biyo ah, kadibna meel haboon dhin qiyaastii 24saacadood. Markaa kadib jidhka marso 2jeer maalintii kadibna ka qubayso.

Saliid saytun iyo mishmish (Olive oil and apricot)

Saliida saytuunku waxay jidhka ka bi’isaa jacdadka, meelaha uu jacdadka ku yeeshay jidhakaagu habeen kasta mari saliidan.

Saliida mishmishku iyaduna aad ayey u fiican tahay. Habeenkasta wajigaaga mari kadib markaad wajiga soo nadiifisay.

Tamaandho xabuub

Tamaandho xabuubtu iyaduna waxay bi’isaa jacdadka jidhka, tamaandho kasamee casiir kadibna marso.

White mask

Isku dar Ukunta inteedacad iyo wax yar oo daqiiq ah, kadibna wajiga marso qiyaastii 20daqiiqo kadibna kaga maydh biyo kulul (diiran) kadibna biyo qabow.

Caano iyo Muus

Isku qas 1xabi oo muusa iyo 3malqacada cuntada oo caano ah, kadibna jidhka marso oo u daa jidhka qiyaastii rubuc saac, kadibna ku maydh biyo diiran.

FG: hadii aad allergy ka qabto ha isticmaalin.

Xigasho: khadijohome.com
Saacid Cumar Axmed
qaroof22@hotmail.com
Nairobi kenya

3 Comments

  1. Anonymous11/03/2011

    A/s hadana wali ku yelan jactad wajiga ma isticmali kara alabahan? igaso jwab
    mahadsanid

    ReplyDelete
  2. haa waad adgeegsan kartaa

    ReplyDelete
  3. Anonymous9/05/2012

    hadii aad naaxdo wllo muu yaraan karaa xubintaada taranku wllo

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post