Jacaylka nin iyo naag yuu aad u saameeyaa

Jacaylku dumarka iyo raga keebuu ku badanyahay?
Dumarka iyo ragga keebaa u jilicsan jacaylka?.
Dumarka iyo ragga keebaa jacayl dhab ah qaadsiin kara mid ka kale?
Horta jacaylka ragga iyo ka dumarku waa
wax aad u kala fog laakiin labaduba wax way jeclaadaan Ninka raga ahi qofka dumarka ah ee uu jeclaado lagama yaabo inay niyadiisa ka baxdo waligii,
ama uu ku dhaco jacayl cusubi, waxaa taa inooga marag ah
ragii jacaylka u god galey ee uu ugu horeeyey Cilmi Boodhari oo aynu
wada heyno jacaylkiisii iyo sidii ay ugu dhadhami waydey gabadh kale.
waxa xasuus mudan Alle ha unaxariistee Sulub Cumar oo ay
heesihiisii ka mid aheeyd (ANiga iyo Hilbaheygii kala
hoyaney,ereygan oo kamid ah heestii Magool ee Sideeda Sinta ma isa
saarnaa?), oo isagana la shegey inta gabadhii uu jeclaa laga
guursadey inuu diidey inuu niyada ka saaro oo lasheegey inuu
balan qaadey inuu guursan doono marka la soo furo dabadeed sidaa ku
hooydey, Haddaba Ninka ma hawlyara siduu gabadh u jeclaado inta badan laakiin haddeey taasi dhacdo waligii ma illaawo.
Dumarka iyo ragga keebaa u jilicsan jacaylka?.
Dumarka waxa fudud inuu jacaylku ku dhaco, waxaana laga yaabaa in gabadhu ay ninka u yimaada labagoor ee indhaha intuu is daba dhigo been ku akhriya ay qalbigeeda dhigto hadii ay sidaas ku jeclaato oo ay meelfog kala aadaan ama muddaba
aaney is arag waxa macquul ah in hadii uu mid kale u yimaado in jacaylkii gabadha lagu beerey uu ku masaxo aftahanimadiisa oo uu kubeero mid cusub.
waxyaabaha kalifa iney gabadhu markiiba jacaylkii hore kabaxdo waxa kamid ah inuu iloowshuhu dumarka ku badanyahey taas oo ah mid uu ilaahey xikmad kale ka wato taas oo ah in gabadhu ya xanuunka foosha iloowdo si ay tarantu u badato, waxaynu ognahay inaan laheeyn ilaa
hadda gabadh jacayl udhimatey wallow la sheego waxaa isu dhintay Qays iyo Layla, Hodan iyo Cilmi Boodhari waxaan sheekooyin kaas ama qisooyin kaas ku cad in jacaylku ku horeeyay ninka.
Gabadhaha inta badan marka jacayl uu ku dhaco sida kaneecada ayeey ka bogsanayeen lamana garanayo daawada ay isticmaaleen iyadoo ilaa
hadda jacaylka aan loo heeynin wax daawo ah oon ka aheeyn labada qof oo is hela.
Tan kale ee ah Ninka iyo gabadha keebaa jacayl ka kale ku beeri kara?
Arintaan waxaa inta badan lagu micneeyaa in ay tahey qof kastaaba waxa uu
ka helo ama in wixii uu ka helayey uu ku arko qofkaas uu jeclaanayo, waxaana laga
yaabaa in hadii qof uu ku jeclaado aad is yara adkeyso taasoo ah mid inagu abuuran waayo bini’aadamku waa uu faan badanyahay,laakiin waxa macquul ah in gabadha ama wiilka
ka hadhi waaya qofka ay jecelaadaan in ay labaduba ku beeri karaan jacayl qofkaas.
waxaanse jirta in arrintaas uu raggu ku dhiiran yahay ama ubadan yahay
hablaheenana xishood ayaa ilaahey qayb usiiyey waana wax wanaagsan xishoodku.
Intaas ayaan ku soo koobayaa inkastoo aanay aheyn sharaxaad ku filan akhristayaasha sidoo kalena hal qormo laguma soo koobi karo arimaha jacaylka laakiin haddana hadal badan haan ma buuxsho oo qormada oo siidheeraa tana waad ku daali kartaan.
Fikir kaaga ka dhiibo adugana maxay kula tahay? Goobta commant-ga hoos bay kaaga furan tahay.

4 Comments

  1. Anonymous7/16/2011

    Waan idin salaamay dhamaan Bahda Raaxada Guurka, aad ayaan u aqrisanaa aniga iyo Xaaskayguba Pagkan, caawa qoraalkan markaanu aqrinay waxaynala kalatahay labadan Fikir, ka nin ahaan waxan qabaa waxa aad sheegtay inta badan inay runtahay, tusaale Axdiga ragga oo kale, hase ahaate waxan kaaga yara duwanahay qodobka ah Dumarku 2 Days ama wax lamid ah ayay ku ilaawi karaan Jaceyl kasta, Xaasku waxay aaminsantahay inaanay waxba kajirin haba yaraate qodobka ah Dumarku axdi malahan, ama jaceylka si fudud ayay ku ilaawi karaan,taas badalkeedana waxay aaminsantahay in Dumarka qaarki kaga xunyahayba Ragga jaceylka

    ReplyDelete
  2. Anonymous8/23/2011

    waa salaamantihiin bahda raaxada guurka wxn qaba in dumarku kaga adagyihiin raga balse ay xishoonayaan kana baqayaan in ceebi karaacdo madaama an nahy oral society jacylkana ka aaminsn qalad gaar ahaanhadii gabadhi wax jeclaato.

    ReplyDelete
  3. Anonymous8/23/2011

    asc dhamaan aqyaareey waxaan aamin sanhy jacaylka lasheego inuusan jirin hana ilayaabina waligeey wax majeclaanin ninkeyga aa laygudaray oo aadna iiga weenaa anigoo jiro 14sano soogalay ma ogiye horaan dhalmo iyo daal kabilaabay marka waxaan idin weeydiinaayaa jeceylkaan nasashada muu ku imaadaa si aan daalkabadaan iskaaga ilaaliyo

    ReplyDelete
  4. Anonymous1/16/2012

    asc waxay ila tahay aniga jacaylka raga iyo dumarka ragga ayaa intbadan uga nugul dumarka xaga jacaylka keebaa intabadan qofa soojidankara oo jacayl ku abuurikara waa hadba qofka ficilkiisa iyo habdhaqankisa ayay ku xidhantahay
    waad mahadsantihiin

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post