Ninka marka uu galmo xaaskiisa ka rabo maxaa lagu gartaa

Xaasku in ay garato calaamadaha ninkeeda uu sameynayo xiliga uu u baahan yahay in sariirta ay ugu timaado ayaa ka mid ah waxyaabaha sii xoojinaya jaceylka labada qof ee isqaba.
Ragaqaarkood gaar ahaan marka xaasku ay da’ ahaan kaweyntahay ninkeeda ayaaysan suura gal ka noqon qaarkood in ay si bareer ah ku yeeraan sariirta xaaskooda balse taas badalkeeda waxay bixiyaan calaamado sidaa ka dhigan sida in uu soo xirto shukumaan ama mara kale oo muujineysa qeyb kamid ah jirkiisa hoose.
Qodobadan cusub ayaa qaarkood lagu kal duwanaan karaa waxaana qaar kamid ah calaamadaha cusub oo raga qaarkood ay xaasaskooda ugu muujin karaan xiliga ay u baahan yihiin balse laga yaabo in ay xaaskuu meelkale ama howlkale oo guriga ah ku mashquulsantahay.waxaana kamid ah sida soosocota.
1- Haduu qolka jiifka joogo waxaa uu dheereeynayaa TV-ga ama Raadiyaha taaso kadhigan qolka soogal.
2- In uu iska dhigo in allaabta saran miiska qolka jiifka uu toos toosiyo isagoo kuma qashiinaya sharqantooda lagana yaabo qarkood in dhulka uu ku dhufto.
3- Foori ku cel celis ah iyo mararka qaar heesid ama gabyid.
4- In uu kuweydiiyo su’aalo badan, oo laga yaabo in aysan meeshab oolin.
5- In uu kuu sheego xanuun jira sida in uu ku dhaho madax ayaa I xanuunaya oo waa uu kululyahay isagoo raba in aad timaado kadibna aad ka taabato madaxa.
6- Hadaad caruur leedihiin oo uu kuusoodiro hadaad banaanka ku maqan tahay.
7- Cuntada oo inta uu kuu soodiyaariyo kadibna uu kuugu yeero inaad wax cunto.
Inkastoo calaamadahaasi iyo kuwo kale oo badan ay jiraan misna waxaa xaaska u muhiim ah in ay iska fahanto caalamada ninkeedu bixinayo xiliga uu u baahanyahay.ogowna ragu waxay jecelyihiin in looyimaado halkii uu kaaga yeeri lahaa.

9 Comments

  1. Dood Wadaag6/06/2011

    Asc

    Waxaad moodaa in laga soo tarjumay qoraal ay dad aan Somali ahayn ka sameeyeen dhaqanna kale.

    Dood Wadaag

    ReplyDelete
  2. Anonymous8/14/2011

    lol, waxa ad sheegtay oo dhan waa macquul, balse waxan u arkayaa in aysan sidaa u sii ilbaxsanayn.
    ninka haddu naagtiisa u baahanyahay waxa fiican ay ila tahay in uu dhaho waan kuu baahanahay oo uusan ka gamban, wax walbana waa sida aad adiga marka hore naagtada u barto, haddi ad barto in aad u wacato marka aad u baahan tahay, looma baahna foori iyo baaq kale midna, ee in aan kula jiito aan doonayaa ayaa hadalku ku cadyahay.

    ReplyDelete
  3. Anonymous8/26/2011

    waxaa ad sheegtay oodhan waa macquul wll lknse anigu waxan xaaskayga barilahaa hal qodob oo ay igu fahanto marka aan ubaahanahay

    ReplyDelete
  4. Anonymous9/03/2011

    Wax badan baa ka jira qodobadaan laakiin maaha,in xaaskiisu ka weyn tahay keliya ee waa nimanka aan awoodin inay baahidooda cadaystaan... runtii waa ayaan daro nin qof dumara sugaaya oo isagu aan awoodin inuu bilaabo dalabka... waxaa laga yaaba inay qofta dumara ka shakido ama ka niyad jabto waayo waxay sugaaysaa nin awooda bilowga ilaa dhamaad..

    ReplyDelete
  5. Anonymous11/27/2011

    cajiib

    ReplyDelete
  6. Anonymous8/02/2013

    istimin maxaa loolajeeda

    ReplyDelete
  7. asc waydhicikartaa lkn waxan o kale adoo u badheedha ayaa dhanta sxb

    ReplyDelete
  8. asc waydhicikartaa lkn maxaa laga xishonayaa adoo u yeedha ayaa dhanto hadii nin tahay

    ReplyDelete
  9. Anonymous8/22/2016

    Waaa dicif nimo iyo qiralmasulnimo haysata dadkena rag iyo dumar labada qof mid waliba inu garto masuliyada saran xaga sariirta hawl malmed way jiran ay ku dali karan labada qof lakin akhlaqda sariirta marna in laga tago maha inay gabadhu is qurxiso is carfiso ninkuna sido kale gogasha iyo qolka sido kale hadi la dalan yahay laysku af garto waa halkeda jawiga fagan ee carafta leh ku seexda hadi kale arinkina gala gar ahan dumarka waxan ku waninaya inay ilaliyan ragoda dhanka gogosha oy isku diyarisa ninkeda mar kasta hadad dalantay xita isku diyari waa inan gudana masuliyada ina saran illahayna rali bu inaga noqonaya nimankenuna ralay inaga ahanayan ha lays ilaliyo qof walba qofka kale ha ilaliyo sasa raxo guul horumar farxad jacayl naxaris intaba lagu hela intas hadaynu fahano loma bahna foodhi iyo seeyal waxasi farxad maha fodhidu xiliga shukansigay ahaydbe wiilasha aya gabdhaha u fodhiya marka gadgad lays ku hayo lakin isma lahayn
    Reerba intay masuliyadoodi sarnayd
    gabeen foodhi micin mooday waa nasib daro tasi raga midban leyay masuliyada ugu badan idinkay idin sarantay alle haydin fahansiye wax badan ilaliya ku dayda nabiga csw xaskisa wuxu yidhi sidan jeclay inay iskugu kay carfido oy iskugu kay diyariso ayan ana iskugu carfiya on iskugu diyariya ku dayda kuwi ku dayda alle haydinka dhige

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post