Sida dhiigga la isaga daahiriyo

Waa wax muhiim ah in gabadhu barato sida ay isaga daahirineyso dhiiga caadada oo bishiiba mar ku dhaca hadaysan Uur lahayn.
Mudada ay caadadaasi jirto gabadhu matukanayso ilaa ay iska daahiriso loomana galmoon karo sidaa daraadeed waxaa jira qaab ay ku ogaan karto in dhiigii ka go’ay oo ay markaasi isdaahirin karto waxaana qaababkaasi kamid ah sida soosocota.
In uu si buuxda u istaago ama u go’o meesha uu kasoobaxayana ay si caadi ah u qalasho oo aysan lahayn wax qoyaan ah taaso ah in hadii ay suuf cad meeshaasi saarto uu soo baxayo suufkaasi cad oo nadiif ah oo aan lahayn wax raad dhiig ah ama midab kale ah sida callow oo kale.
In dhacaanka cad ee jiidmaa uu dhamaado inkastoo dumarka qaar ay san dhacaankaasi arag ,hadii aad arimahaasi aan soo sheegnay aad isku aragto oo suufkaasi nadiif ahaado macneheedu waa in aad diyar u tahay is daahirin .
Markaas kadib ee aad is daahiriso hadaad isku aragto wax yar oo dhacaan ah wax dhib ah malaha salaadaada wad iska wadan kartaa balse waa in inta aadan is daahirin aad arinkaasi iska hubisaa in sidaan kor kusoo xusnay meeshu ay nadiif ahaataa .

2 Comments

  1. Anonymous8/25/2011

    waa mhadsantihiin waxnidin weydiina int badabn marka aan daahirsado maalin kadib ama lba maalmood kadib wxn isku arkaa qoyaan cawlan markaa waa iska nadiifiyaa waana tukadaa ee maloo baahanyhy inaan marlabaad is daahiriyo?

    ReplyDelete
  2. qoyaanka cawlan marka ay is daahiriso haweeneydu ka yimaada uma baahna inay mar labaad qubaysato dhiigga ka mid ma aha

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post