Waxaa magaalada Dalac ee dalka Yeman ka dhacay todobaad ka hor dhacdo la yaab leh taasoo ka fajacisay Soomaalidii ku nooleed dalkaasi,
Magaalada Dalac gaar ahaan Xaafadda oo ay Soomaalida u badanyihiin ayaa waxaa ka dhacay qiso ka fajicisay kadib markii wiil uu uureeyay eedadiisa aabahiis qabay,
Muddo lix bilood ka hor Aabe Soomaaliyeed oo deganaa magaaladaas ayaa safar shaqo waxa uu u aaday magaale kale ee lagu magacabo Al Qayda oo ku taalla isla dalkaasi,
Wiil uu dhalay Aabe Axmed oo ahaa dhalinyaro oo aan magaciisa u qarinay sababo ceeb jirta awgeed ayaa waxa uu bilabay inuu damaaciyo eedadiisa aabihiisa qabay oo aheyd mid aad u qurxoon soo jiidasho badan dhan walba iyadoo la isu helay waqti guriga lagu kaliyoobo,
Wiilkaas ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuulay siduu ku hanan lahaa eedadiisa ayaa bilaabay inuu hadalo kaftan iyo waji farxadeed kula dhaqmo mudo iyadoo markii dambe uu dhexmaray isfaham kadib bilaabay baashaal,
Lix bilood kadib ayaa waxaa ka yimid safarkiii shaqo Aabe Axmed waxa uu arkay xaaskiisa oo calool yar leh kadib shaki weyn ku dhashay isaga oo yaaban ayaa waxa uu geeyay rug caafimaad waxaana loo sheegay inay xaaskiisa Uur dhowr bilood leedahay,
Odaygii oo qabay sonkor iyo dhiig kar ayaa isla goobtii jooga ugu dhacay kadib Cisbital galay iyadoo maalmo kadib markii uu meyrka yeeshay waydiyay su,aalo ah yaa Uurkan kuu yeelay ?
Xaaskii ayaa ka biyo diiday inay sheegto qofka ka dambeeyay arintaan fajacisada ah dood iyo dagaal kadib ayaa waxa uu Aabe Axmed waydiyay caruurtii yareyd ee uu dhalay,
Gabar ka mid ah caruurti weyneyd oo la socotay jeceylka qarsoodiga ah ee ay wadaageen walaalkeed iyo hooyadeed aya si lama filaan ugu sheegtay Aabahed oo dhahday ,Aabe waxa habeenkii sariirtada ku ciyaari jiray walaalkeey iyo hooyo taasoo cajiib ku noqotay Aabe Axmed oo ku soo dhacday inuu wiilkisa cel celis ahaa balse uusan fileynin inuu u daba maryeeyo xaaskiisa qaaliga aheyd,
Odaygii oo yaaban ayaa isla goobtii ku furay xaaskiisa u dhashay caruur badan waxa uuna eryay habaarna farqaha ugu shubay wiilkiisa iyadoo eededii sheydaanka qaaday ee wiilkeeda la galmootay iyo wiilkii aabahiise godkiisa u daba maryeey ay laba wado ka kala baxeen,
Aabe Axmed oo iminka ku nool magaaladaas heysta caruur hooyadood beerta gashay iyadoo xaaskii uu furay iminka joogta xaafadda Basaatiin gaar ahaan meelaha ay naagaha meelaha ay ku noolyihiin dumarka Soomaalida ee balwada leh,
Dalka Yeman oo ay Soomaalida u badanyihin ayaa waxaa ka dhacay dhowr jeer qisooyin la yaab leh iyadoo Wariyaha Alcarabiya ee dalkaasi Siraaj Soomaali ballan qaaday inuu soo bandhigi doona qisooyin kale oo la yaab leh maalmaha soo socda,
W/D C/qaadir Axad, iyo Xaaji Tahriib,
Inlaalilah wa inalihai rajucuun wax la maqli karo ama la akhriyo karo maha qisadani ee waxan odhan lahayn ilaha jooga markaste inlaah qaafuurul raaxiim
ReplyDeletesupxana lah...ilahow ilxumadan o kale hana tusin..ayagana kasar
ReplyDeletesubxaana lah .ilaahoow ceebteyna aduunyo iyo tii aahkiraba noo astur.
ReplyDelete