Arooska la yaabka leh ee Xamar ku soo kordhay

Mar hadii la soo hadal qaado erayga aroos, dabcan in badan oo dadka kamid ah waxaa maskaxdooda ku soo maaxanaya qaab arooseedkii caanka ahaa ee magaalada Muqdisho iyo weliba xafladihii iyo munaasabadihii aadka u balaarnaa isla markaana baabuurtii aadka u tirade badneyd la isdaba dhigi jiray wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Waayadii hore Muqdisho waxa ay caan ku aheyd Aroosyo aad u ballaaran oo mararka qaar lagu dhigo Hoteelada caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho, balse iminka wax badan ayaa iska badalay arimahaasi oo waxaaba dhacda in hal mar laga dhigo oo hal xaflada oo aad u ballaaran la qabto taasi oo isugu jirto Aroos iyo Todobo..

Waxaad mooddaa in qaab arrooseedkani cusub ee ku soo kordhay magaalada Muqdisho uu wax badan ka duwanyahay kii hore sababtoo ah hore looma arki jirin Aroos iyo Todobo hal mar la dhigo kadibna sidaasi lagu kala baxo oo aysan jirin wax kale oo la isugu soo laabto, hadaba waxaa inoo suuragashay inaan arimahani ka wareysano mid kamid ah gabdhaha Soomaaliyeed oo ayadu qudheeda lagu aroosay qaab arooseedkani cusub, gabadhani oo magaceeda ka gaabsatay ayaa hadalkeeda ku bilowday “Run ahaantii wax walba waa ay isbadaleen adduunyaduna meesheedii hore ma taagna maanta, marka runta laga hadlo aniga waxaan qabaa in qaab arooseedkani cusub uu yahay mid ay si weyn uga heleen dhalinta iminka is guursanaya iyo weliba kuwa ku balansan iney is guursadaan sababtoo ah wax badan ayuu ka sahlanyahay kii hore , runtii gabar walba oo dooneysa guri xalaal ah iyo mustaqbal wanaagsan ma jecla iney shuruudo waaweyn ku xirto qofka ay dooneyso in ay nolosha la qeybsato sidoo kale gabadha marka la arooso oo gurigeeda loo galbiyo ma jecla in la isku soo laa laabto oo ay bulsha kale gurigeeda ku aragto xilliga ugu horeeyo waqtigeeda guurka isla markaana ay dhex mushaaxeyso nolol cusub oo ka macaan kana degan tii hore, hadii aan faahfaahin kooban ka bixiyo qaab arooseedkani cusub ee iminka ku soo kordhay magaalada Muqdisho, maadaama anigu aan ka mid ahay hablaha qaab arooseedkani lagu guursaday, Marka hore waxaa la dhigayaa xaflad aad u ballaaran oo lagu cunayo wax walba oo loogu talagalay martida arooska imaaneysa, kadib mashxarad iyo dabaal dag ballaaran gabadha aroosadda ah aqalkeeda ayaa loo galbinayaa kadibna halkaasi ayaa loogu shaash saarayaa isla markaana ay ku noqoneysaa marwo la qabo”. Sidaasi waxaa yiri gabar Soomaaliyed oo ka warameysay qaab arooseedka cusub ee ku soo kordhay magaalada Muqdisho.

Hadaba sida ay qabaan qaar badan oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, qaab arooseedkani cusub ayaa waxa ay uu yahay midka kaliya ee iminka la isticmaalo marka ay laba qof is guursanayaa sidoo kale waxaad mooddaa muddooyinkan dambe in ay meesha ka sii baxeyso aroosyadii bal balaarnaa ee la isdaba dhigi jiray baabuurtii cad cadeyd ee aad u tirade badneyd ayadoo mararka qaar la arki jiray baabuur kor u dhaafeysa ilaa iyo boqol gaari oo aroos galbinaya, balse iminka Muqdisho qaab aroosaadkaasi waa uu ku sii yaraanayaa ugu dambeyn qaab arooseedkani cusub ayaa dhalin badan oo ku nool magaalada Muqdisho u suuragalinaya iney si sahlan ku guursadaan maadaam uu ka qarash yar yahay kii hore isla markaana ay dad badan isku raaceen in uusan ku baxin qarasha aad u badan oo uu san qofku awood u laheyn.

Abdulkadir Abdirahman Mohamed.
Mogadishu, Somalia

1 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post