Markii uu aqalkii dhigay ayeey uga baxday

Qeybta Guurso ee website-ka wariyaha. waxaa la soo xiriiray wiil soomaaliyeed oo ku nool dalka koonfur afrika kaasi oo ay ku dhacday arin qofkastaa oo maqlaa uu ka nixi doono taasoo ah sida hoos ku soosocota.

Wiilkaan oo ah runtii nin jacel markastana maanka ku haya in uu guursado ayaa mudo shukaansanayay gabar Soomaaliyeed taasoo markii danbe ay isla meel dhigeen in ay isguursadaan .

Maadaama isaguna uu diyaarba u ahaa in uu mustaqbal sameysto ayaa waxaa uu is galiyay qarash saa’id ah si uu u diyaariyo aqalkii arooska iyo wax yaabihii kale ee loobaahnaa.

Wiilkaan oo aanan magaciisa xuseynin ayaa aad ugu farxay saan saantaasi u muuqanaysay oo ahayd in uu helay qofkii uu mustaqbal nafta la wadaagi lahaa balse maxaa ku dhacay?

Markii uu wax kasta diyaariayay intaasna uu iyada daqiiqad daqiiqad ula socodsiinayo ayaa maalintii uu soo afjaray wax kasta ay u sheegtay in aysan rabin!!!!!!!.

Wiilka ayaa aad uga naxay go’ aan kaasi oo sida uu sheegay aan ahayn kii ugu horeeyay ee uu nooshay mar kale oo horana ay sidaasi oo kale ay gabar kale kusameysay.

Wuxuu noo sheegay in hadda uu niyad jabsanyahay aadna uu uga murugooday labada musiibo ee xiliyo is xig xiga ku dhacay, waxaase layaab ku noqotay bahda GUURSO ee webka wariyaha in wiilkaani uu runta ka sheegay waxa uu u malaynayo in uu sabab u yahay musiibooyinkaan wuxuuna ku sheegay sidaan.

Aniga waxaan isku heystaa nin aad u maseyr badan oo hadaan arko wax yar oo shaki igalin kara waan ka caroodaa tuusale ahaan gabadha danbe mobile-keeda ayaa waxaan ku arkay massage ay nin kale u dirtay taasoo aan ka xumaaday, halka midii horana waxaa ay massage ahaan ii gu soo dirtay in ay nin cadaan ah (ajnabi) ay shukaansatay.

Wuxuuse isweydiinayaa talloow qalad miyaan kuleeyahay inaan ka xumadaado in qofka aan jeclahay guurkana aaan la damacsanahay uu qofkale damco? Maxaanse u la’ahay gabar aniga iigu gaar ah sida aan aniguba iyada ugu gaarka ahay?

Hadaba rag iyo duwaroow Maxaad kula talin lahaydeen walaalkiinaan dhiban, ogaadana maanta hadii lahayo wiil dhalin yaro ah oo guurdoonimadiisa ay sidaasi u galaeyso Waa musiibo meesha ka saareysa in guurka xalaasha ah uu dalka ku faafo ee aysan faafin waxa looyaqaano gaabsiga oo ah in gogol dhaaf xaaraan ah la isugu tago kadibna aydalka soomaaliya isku wareystaan Ilmo aan xalaal ku dhalan .

3 Comments

  1. Anonymous8/23/2011

    asc aniga wexeey ilatahay ama aan ugula talin lahaa.uu yiraahdo alxamdulilaah.oo kuwaan dhaafay yihiin balaayo dhaafay.uusan niyaduna iskadilin.wuuhelidoonaa gawar wanaagsan insha alaah.nasiibna waat leedahay.ileen waxaa kadrnaan laheyd markaad guursato kadib in aat arakto wayaawo xunxun.waatna kusaxsantahay.in aat kaxumaato hadii aat arakto arin kusaabsan nin kale.sawabtoo ah hadii aat rabto in lagula qeebsado naag kuwan wadooyinka dhoowan ayaat aadilaheyd marka.kudheh bax nagatag nagatak nagatak hooyaa.brotha I am proud of u and wish u good luck insha alaah!!!

    ReplyDelete
  2. Anonymous8/23/2011

    War mawaalantahay? Ninkii ogolaada in lalaqeebsado xaaskiisa waanacas ahna dayuus.ilaahna uusan raali ka'aheyn.marka ninwalboow waxaat masuul katahay in aat hilfaha uqaado xaaskaaga oo eysan ubaahan nin kale.adigoo jooga.teeda kale waxaan ilaah kabaryaayaa in uu caafimaat nawada siiyo.maxaayeelay cafimaatku waamuhiim.hilfo uqaadida ama uraaxeeynta xaaskeena.waxaa kaloon intaa kudarayaa qolada raaxada guurka in eytahay runtood.arinta ah.waa niyada.sida aat udbeereyn laheeyd galmada ama unuurinta xaaska.hadii aat sifiican ugu raaxeeyso madooneeyso waxkale.wexeeyna kuugu dulqaadan doontaa dhiwaatooyin faraban.hadii aat kuqanciso sariirta ama gogosha.marka soomaaliyeey hurdada kakac oo halala baashaaliyo xaaska.keliya xaaska.ok.markaat sidaas sameeysaan weyqancayaan.and we are safe insha alaah!!!

    ReplyDelete
  3. Anonymous8/24/2011

    asc dhamaan bahda webkan aad ayaan idiinku mahadnaqayaa sida gaarka ah ee aad noogu soo gudbisaan xaqaa,iqa jira .intaa ka dib waxaan kula talin lahaa wiilkan inuu ku doorto gabadha DIINTEEDA (DIIN leh) markaasi wuxuu kala kulmayaa DAACADNIMO iyo RUN sheeg taasi ayaana u hor seedaysa kalsooni buuxda inshaa alaah waxaan kuu rajaynayaa GUUL IYO GABADH KHATR QABTA

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post