Soonka kacsiga ma yareeyaa ama waa kordhiyaa

Sida la ogyahay  soonka waa cibaado weyn oo leh faa'idooyin fara badan, kuwo adduun iyo kuwo aakhiriba, tan aakhiro waa dambi dhaaf iyo janno haddii lagaa aqbalo soonkaaga, laakin midda adduunka maxay tahay, aad bay u badan yihiin faa'idoonka uu leeyahay soonka dhanka caafimaadka lama soo koobi karo, marka waxaa ka mid ah faa'ido u roon dadka doobka taas o ah kacsi yaraynta, soonka kacsiga ayuu yareeyaa, maxaayeelay qofka marka uu gaajoodo ama uu oommo taas waxay ku yeelanaysaa saamayn weyn jirkiisa, sida la hubo kacsiga wuxuu lug ku leeyahay nafaqada jirka marka rooxa soomo kacsigiisa wuu daciifaa, Nabiga  صلى الله عليه وسلم  dhalinyarada aan guurka awoodin wuxuu faray inay soomaan si ay u degaan waa la wada ogyahay xadiiskan, laakin dad badan baa waxay ka sheegtaan bisha ramadaan kacsi farabadan tolow taas maxaa sababa ??!  jawaabtu way fududahay  : dadkaas ma soomaan soonka la rabay oo shareecada amartay  bal bisha ramadaan ayayba cunaan cuntada ugu nafaqaha badan habeenkii oo dhan waxay ku jiraan cunid iyo cabbid  marka  malaga yaabaa nin sidaa wax u cunay inuu kacsigiisa yaraado uu cibaado u go'o bishan barakaysan
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post