Galmada goorma ay dhamaataa

Rag badan ayaa aaminsan in galmadu ay dhamaatay hadii ay biyo tuuraan, iyadoo gabadhu bilow tahay ama ayasan bogan.ragaa waxa ay ku doodaaan in xubinta ragu micna sameeneen hadii ay biyo keento.

Laakiin xaqiiqda ayaa ah in gabadhu ku raaxeesato sidoo kale is dhexgalka jirkeeda iyo kan ninkeeda, iyadoo ahmiyad gaar ah ay leedahay dareenkooda jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo maskaxeed iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biyabbax.
Sidaa darted waa inuu kusii dhexjiraa gudaha xubibta gabadha siduu doono ha ahaadee, waana in haasaawihii dhunkashadii iyo istiimintii halkii kasii socdaan ilaa ay biyabbax ka gaarayso, kolkaasi.
Xusuusnow  in haweenka aanu kacsigu hal mar ka go’in, balse uu si tartiib tartiib ah uga soo jabo  haddaba salaaxista, shumiska, istiiminta fudud, iyo ereyada macaan ee jacaylka iyo ammaanta isugu jira ee ninku ugu deeqo ooridiisu waxay si tartiib-tartiib ah uga soo dejiyaan dareenkii kacsiga ka dhashay.

Dhuuqmadii iyo istiinkii xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto. Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu beddelayaa is-habsiin jilicsan.
Daqiiqadaha ugu raaxada badan laba isqaba waa kolka ay nasasho iskula dul dhacaan hawsha galmada dabadeed, qof walibana isaga oo hurdaysan uu kan kale bogga kaga jiro.
Dhallinyarada qaar baa isku daya inay biyabbaxa kadib geedka kusii hayaan haweenkooda oo aanay kala bixin, billaabana istiimin si ay mar kale uga tuurtaan. Qaar kale kolka ay kala baxaan bay misna daqiiqado kadib istiimin iyo dhuuqmo billaabaan si ay u gaaraan isla hadafkaasi. Haddaba caafimaadku waxa uu ku jiraa, diinteenna Islaamkuna qabtaa in galmada hore kedib geedka ninka biyo kulul lagu mayro, welibana hadday suurtagal tahay la qubaysto ama ugu yaraan la weyseysto, si firfircoonaan iyo looga helo dardar hor leh, markaa kadibna haddii la isku afgarto garoonka la iskula laabto. Waase in biyabbaxa labaadna lagu soo af-jaraa isla gunaanadkii aynu soo sheegnay.

3 Comments

  1. Anonymous10/28/2011

    naagaha qaarkood waxay rabaan galmo kala duwan jiif foorarsi istaag hal mar,
    laakin gabadha firconiga u gudan inta badan kacsi dheer malaha waxay is dhahaysa mar ninka hakaa dego

    ReplyDelete
  2. Anonymous10/28/2011

    macaanka galmada waxay ku jirtaa in la isla fahmo raaxada guurka

    ReplyDelete
  3. Anonymous10/29/2011

    macaanka galmadu wuxuu ku jiraa faham Guud, gabadha oo u sii diyaar garowda diyaar garow dhan walba leh, iyada oo caruurta sii seexisa,iyada oo isa sii nadiifisa, wax udgoon isa sii marisa, dhar qurux badan oo soo jiidasho leh sii xidhata iyo qolka hurdada oo ay sii udgoonayso, waxaas oo dhami waxay keenayaan in ninku dareenkiisa uu u soo jeediyo xagga xaaskiisa, halkaasina ay ka bilaabato wada raaxaysi...

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post