Maxaa keena ninka iyo xaaskiisa inay is khilaafaan

Dhibaatooyinka la soo gudboonaada labada isqaba waxaa keena dhowr waxyaalood
1- in la fududeysto dembiga maxaayeelay dembiga wuxuu tegsiiyaa nicmada, qalibigana wuu kiciyaa
2- xuquuqda in la dayaco midba midka kale waajibka saaran uuna ka soo bixin
3- qaaraabada inay soo dhexgalaan mushkilada ninka iyo xaaskiisa, inta badan marka ay soo dhexgalaan waxay weyneeyaan dhibka dhex maray ninka iyo xaaskiisa soo dhexgalkana wuxuu ka iman karaa labadood mid  ka mid hadduu u sheegto dhibkiisa qof kale,  waxaa la rabaa in la isku kalsoonaado qof kale aan loo sheegin guriga dhibka ka jiro labadooda waa inay xalliyaan dhibkaas
4- inaan la eegin wanaagga kaliya in la dheego ceebta qofka
5- malo xun,  inuu ninka u maleeyo xaaskiisa inay xuntahay ama naagta u malayso ninkeeda inuu xunyahay
6- aqoon la'aanta sharciga iyo sida uu u xalliyay khilaafaadka yaryar
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post