Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal ay ciidammo ku geynayaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Col. Ankunda oo la hadlayay qaar ka mid ah warbnaahinta Muqdisho ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan AMISOM ay wadahadallo aarrintan ku saabsan la leeyihiin xubno ka tirsan mas'uuliyiinta Galmudug iyo waxgaradka deegaanka.
"Waxaa socda qorshe aan ku doonayno inaan ciidammo nabad ilaalin ah oo AMISOM ka tirsan ku geyno degmada Gaalkacyo," ayuu yiri Col. Ankunda oo intaas ku daray in qorshahan uu yahay mid la doonayo in lagu adkeeyo ammaanka Gaalkacyo.
Afhayeenku ma uusan sheegin xilliga ciidamada ay geynayaan Gaalkacyo, balse wuxuu sheegay markii ay wadahadallada socda dhammaadaan inay billaabi doonaan inay ciidammo u duuliyaan Gaalkacyo, wuxuuna ku sheegtay inay tani qayb ka tahay isballaarin ay ku sameynayaan Soomaaliya oo dhan.
Ma jiro hadal ku saabsan arrintan oo kasoo baxay maamulka Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo, iyadoo todobaadyo ka hor uu sheegay madaxweynaha Puntland in la geyn doono Gaalkacyo ciidammo ka tirsan AMISOM, inkastoo ay waxgaradka waqooyiga Gaalkacyo kasoo horjeesteen arrintaas.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho oo tiradoodu tahay 9,000 askari ayaa ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, waxayna saraakiisha AMISOM dhowr jeer oo hore dalbadeen ciidamo dheeraad ah si ay ammaanka caasimadda u adkeeyaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online