Xarakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobollada dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay qalabka raadaarrada lagu ogaado diyaaradaha dagaalka iyo sidoo kale qalab ciidan si ay ula dagaalanto ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.
Warkan oo lagu daabacay shabakad taageerta Xarakada Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa xilli uu jiro muran u dhexeeya Kenya iyo Eritrea, kaasoo ah in Eritrea ay hub ku taageertay Al-shabaab, halka ay Asmara warkaas si xooggan gaashaanka ugu dhufatay.
"Qalabka raadaarka waxaa lagu rakibay qaar ka mid ah walaayaadka dalka, si looga hortago diyaaradaha cadowga ee la doonayo in lagu duqeeyo meel ka mid ah Soomaaliya," ayaa lagu yiri warka lagu daabacay shabakadda.
Sidoo kale, shabakadda Somalimemo oo soo xiganaysa saraakiil aan is-magacaabin ayaa sheegay inay sidoo kale haystaan hub kale oo casri ah oo ay kula dagaalami karaan diyaaradaha gaboobay ee Kenya.
Saraakiisha Al-shabaab ma aysan sheegin halka ay ka heleen raadaarrada iyo hubka cusub ee ay sheegeen inay kula dagaalamayaan ciidamada Kenya ee gudaha dalka ku jira.
Xarakada Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay howlgelisay saraakiishii hore ee ciidamada dowladdii dhexe ee Soomaaliya, si ay tallooyin uga siiyaan dagaalka ay la galayaan ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubbada hoose iyo Gedo.
Dhanka kale, Xarakada Al-shabaab ayaa ugu baaqday dhawaan inay dagaaallada ka qaybgalaan shacabka ku nool gobollada ay ka taliso, iyagoo sheegay in Kenya ay ku khasaari doonto duulaanka ay kusoo qaadday.
Xukuumadda Nairobi ayaa bishii hore kumannaan askarteeda ah kasoo tallaabisay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay afduubyo iyo dilal xad ka tallow ah oo ka dhacay gudaha dalka Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
maxuseen@hiiraan.com