Dalalka Uganda iyo Burundi oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya ayaa taageeray howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan gobollada Koonfureed Soomaaliya, kaddib kulammo dhexmaray madaxweynayaasha labada dal iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee gaashaandhigga dalka Kenya.
Wasiirada Kenya, Moses Wetang'ula iyo Yuusuf Xaaji ayaa waxay wadeen tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda kasoo talaabisay soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya booqashooyin ay ku tagayeen dalalka bariga Afrika iyo kuwo kale si ay taageero ugu helaan howlgalka ay kawadaan Koonfurta Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa markii ugu horreysay sheegay shalay oo Jimco ahayd inay taageersan yihiin howlgallada ay Kenya ka billowday Soomaaliya, iyagoo xusay inay tahay tallaabo ay Kenya ku difaacanayso nabada dalkeeda iyo dadkeeda.
"Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo dadka Uganda iyo magacayga, waxaan taageerayaa go'aanka ay Kenya ku difaacanayso nabaddeeda iyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab," ayuu yiri Museveni, kaddib kulan Kampala kula yeeshay Yuusuf Xaaji iyo Moses Wantang'ula.
Sidoo kale, Museveni wuxuu sheegay in Al-shabaab ay khatar ku tahay dalalka ku yaalla gobolka oo dhan, isagoo tusaale u soo qaatay qaraxyo ay sannadkii hore ka geysatay Kampala kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 76-qof.
"Waxaan soo dhaweynayaa howgalka ay Kenya ammaankeeda ku adkeynayso," ayuu yiri madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza, oo intaas ku daray in dalkiisu uu soo dhaweynayo tallaabo walba oo wax looga qabanayo ammaanka Soomaaliya.
Dalalka Uganda iyo Burundi ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan 9,000 oo askari oo ku shaqeeya magaca AMISOM, iyadoo dowladda Uganda ay tan iyo sannadkii 2007 u dirtay Soomaaliya shan batalyan oo ciidammo ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online