Wacanoo wanaagsan dhamaan bahda nagu xidhan waxaynu qormadeenan kaga hadli doonaa dhbaatada xanuunka gaasku uu leeyahay iyo aqoon darrada ka haysata xanuunkaasi iyo maarayntisa inta badan bulshada somalied.
Xanuunka gaasku waa xanuun ku dhaca caloosha iyo mindhicirka loo yaqaan duodenum-ka oo ay keentay ili-ma aragtayga loo yaqaan helicobacter pylori. Hadaba xanuunkan ayaa ah xanuun aad u saameeyey bulsha waynta somalied isla markaana ay qabaan 4 qof ee meel wada jooga mid aba laba kamida taasi ayaa ka timi aqoon daro ka haysa bulshada somalied xanuunkan iyo waxyaabaha keena ama sahla inuu ku dhaco qofka waxaanay taasi keentay in ay saamayntaasi ku yeelato bulshada somalied.
Sidaa darted waxa muhiima in bulshada lagu wacyi galiyo dhibaatada xanuunkani leeyahay, sababaha keena iyo sido loo yarayn karo qaadistiisa iyo dhibta uu ku keenayo qofka haya. Sidoo kale waxa muhiima in aan cadayno dadka khatarta ugu jira inay xanuunkan qaadan.
Hadaba waxaynu qormadeenan kaga hadlaynaa dhamaan waxyaabaha aan kor ku xusnay inagoo mid-mid u dul istaagayna.
Waxyaabaha keena xanuunka gaaska
Cabidda Alcohol-ka
Isticmaalid waqti dheer daawoyinka asprin iyo kuwo loo yaqaan NSAIDS-ka
Isu dheelitir la’aan ka timid cuntada.
ΓΌ Qaadasho la’aan cuntada baal-ka leh.
Dhamaan waxyaabaha aan kor ku xusnay iyo qaar kale oo tiro badan ayaa ah kuwo ay isticmaalan somalida isla markaana aanay ku baraarugsanayn dhibaatada ay keeni karaan.
Dadka halista Ugu Jira
Dadka halista ugu jira xanuunka gaaska ayaa ah dadka caba alcohol-ka, dadka waaweyn, dadka isticmaala daawoyin aan dhaqtar u qorin gaar ahaan asprinka oo ay somaliidu aad u isticmaasho sidoo kale waxaa halis ugu jira dadka waxbadan isticmaala halcunto isla markaana aan cunin cuntada baalka leh.
Side loo yarayn karaa khatarta gaasta
Wuxuu u baahan yahay qofkasta oo qaba xanuunka gaaska inu qaato talooyinkan.
Qaado daawada gaaska adigoo la tashanaya shaqaale caafimaad.
Qaado cunto baal-leh ugu yaraan halmar maalintii sida shuurada, digirt iyo hadhuudhka.
Qaado talada u kusiiyo adeegahaaga caafimaad si sax ah.
Waxaa muhiima dhamaan bulshada somalied inay yeeshaan aqoon caafimaad iyo mid kale sidoo kale waa inu bulshada lagu baraarujiyaa sidii ay u noqon lahaayeen dad aqoon leh si ay uga badbaadaan halisaha iyo khataraha caafimaad ee
ay keenaan aqoon daro ka haysa waxyaabaha keenaya xanunadan
W/Q:- Abdrisak Abdirihman (Cadceed Yare)