Qaar kamid ah hogaamiye dhaqameedka beelaha Jubooyinka oo taageeray hawlgalka Kenya

Qaar kamid madax dhaqameedka beelaha ku abtirsada gobolada Jubooyinka oo shir ku qabtay hotelKa Madina Mall ee xaafadda Islii ayaa taageero u muujiyay galitaanka ciidamada Kenya ee koofurta Soomaaliya.

Odayaashan ayaa sidoo kale ku dhawaaqay guddi dib u heshiisiineed oo ay yeelanayaan beelaha gobolladaasi.

Amiir C/laahi Maxamed Nuur oo loo doortay gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ku baaqay in madaxda beelahaasi ay isugu yimaadeen kulamo looga arrinsanayo aayo ka talinta goboladaasi, kadib marka laga xoreeyo Alshabaab , sida uu hadalka u dhigay.

Amiir C/laahi ayaa sidoo kale codsaday in dhammaan beelaha goboladaasi ay gacmaha is qabsadaan una mahad celiyaan dawladda Kenya oo uu sheegay inay Soomaalida abaal badan u gashay.

Inkastoo ay odayaashani taageersanyihiin galitaanka ciidamada Kenya ayaa haddana ay tilmaameen inay kasoo horjeedaan maamul goboleedyada lagu soo dhisay dalka dibadiisa sida Azaaniya oo dawladda Kenya  gadaal ka riixayso.

Waxaana dhammaan masuuliyiintii shirkan ka hadlay ay dhaliileen maamulada bannaanka loogu soo dhiso Soomaaliya oo ay sheegeen inaysan ku imaan rabitaanka shacabka ku dhaqan gudaha dalka.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post