Xukuumadda Kenya oo Qarammada Midoobay weydiisanaysa in howlgalka AMISOM lagu baahiyo Soomaaliya oo dhan

Sarkaal sare oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa sheegay in dalkiisu uu weydiisanayo Qarammada Midoobay in howlgalka AMISOM lagu baahiyo Soomaaliya oo dhan, sidoo kalena la kordhiyo xilliga uu howlgalkoodu soconayo.

Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Lindsay Kiptiness ayaa Sabtidii shalay wariyeyaasha ugu sheegay Nairobi inay sidoo kale weydiisanayaan dalalka Islaamka kuwa Carabta taageero ku aaddan howlgallada ay ka wadaan Soomaaliya.

"Waxaan raadinaynaa taageerada golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay si ay macquul u noqoto in howgalka AMISOM waqtigiisa la kordhiyo, laguna baahiyo Soomaaliya oo dhan halka ay hadda ka howlgalaan Muqdisho oo keliya," ayuu Kiptiness ku sheegay shirkiisa jaraa'id.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu intaa ku daray in qorshahoodu yahay inay AMISOM ka howlgasho gobollada Koonfureed ee Soomaaliya kaddib markii ay ciidamadooda ka baxaan halkaas.

"Waxaan sidoo kale ka shaqeynaynaa sidii aan taageero ku aaddan howlgallada aan Soomaaliya kawadno uga heli lahayn dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, kuwaasoo horay u taageeray dowladda KMG ah ee Soomaaliya, sida Turkiga iyo Iiraan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay la shaqeynmayaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay uga adkaadaan xoogagga Xarrakada Al-shabaab ee ku sugan gobollada ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa qaadday howlgallo iyada u gaar ah bartamihii bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, taasoo ay ku tilmaantay inay tahay mid isdifaacid ah, kaddib markii ay Xarakada Al-shaaab ku eedeeyeen inay falal ammaanka ka baxsan oo xad ka tallow ah ay dalkooda ka geysatay.

Sarkaalkan wuxuu sheegay inay badaleen qorshahoodii dagaal, isagoo sheegay in Al-shabaab ay isku qaybisay dhowr kooxood, iyaguna ay bilaabeen inay si hoose u wadaan ciidamadooda howlgallada ay u joogaan Koonfurta Soomaaliya.

Col. Cyrus Oguna oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in ku jiraan howgalladooda kuwo gargaar bani'aadamnimo ah, isagoo sheegay inay ka caawin doonaan haya'daha gargaarka inay dadka dhibaateysan gaarsiiyaan mucaawinooyinka ay u baahan yihiin.

Sarkaalkan milateri wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamadoodu ay baaritaanno ku sameyn doonaan guryaha ku yaalla deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in tani ay tahay sidii aysan u dhici lahay in ciidankooda gadaal laga soo weeraro.

Col. Oguna ayaa ugu dambeyn sheegay in tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya ay dileen ama dhaawaceen boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, isagoo sheegay in dhankooda looga dilay dagaallo dhacay shan askari.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post